Xiisada Ka Dhex Alloosan Maraykanka Iyo Waqooyiga Kuuriya, Waxa Dhici Kara Iyo Tabbaha Lagu Baajin Karo Colaad Hor Leh? DAAWO
Peyongyong 28. April 2017 (SDN/QJ):- Xiisadda u dhaxeysa Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa cirka isku sii sharreeraysa, iyada oo ay wali hadhsan tahay lixdii tijaabo ee laga filayey Peyongyong, isla-markaana gantaalaha riddada dheer ay soo dhoobtay xadka ay la leedahay Koonfurta Kuuriya.
Dhinaca kale, Abaanduulaha ciidammada Maraykanka ee badweynta Baasafik Admirol Harry harris ayaa ka digay khatarta iyo qorshayaasha halista ah ee ay maagan tahay Peyongyong, “Waa in la qaadaa tallaabooyin lagu dareen galiyo Kim Jung, ka hor jilbaha dhulka loogu dhufan”.
Haddaba, marka aad eegto duqeynta cirka ee Maraykanku sida xooggan ugu hayo Daacish, Gantaalaha uu dhawaan la beegsaday Suuriya, Bambaanooyinkii baaxadda lahaa ee uu Afgaanistaan ku riday, waxay u dhawdahay in guddiga Congress-ka ee uu la kulmay inay ku booriyaan Janankan sidii uu u qaadi lahaa tallaabooyin ka hor tag ah (Pre-emtive Strike), waxaanay sidoo kale warbaahintu sheegaysaa inay xilligan ciidammada Maraykanku ku talo jiraan sidii ay u soo ridi lahaayeen Gantaalaha la filayo inay tijaabiso Waqooyiga Kuuriya.
Haddii ay taasi suurtowdo, Dawladda Peyongyong uga duwanaan mayso dagaal lagu qaado, jawaab celinteeduna waa mid aan la saadaalin Karin.
Maxaa Laga Filli Karaa Waqooyiga Kuuriya, Haddii Maraykanku Carqaladeeyo Tijaabadeeda?
Waxaan meesha laga saari Karin in Peyongyong dhirbaaxo kale kaga jawaabi doonto, taasi oo u badan weerar dhanka Gantaalaha ah oo u badan inay ku qaado Koonfurta Kuuriya.
Duqeyntaasi oo khatar galinaysa malaayiin kuuriyaan ah oo ku nool magaalada Seoul, iyo 24,000 oo ka mid ah ciidammada Maraykanka ee jiidaasi ku sugan.
Maraykanka ayaa isna dhankiisa aanu werwer ka madhnayn, Admirol Harris wuxuu ku wargaliyey Congress-ka in loo diyaargaroobo wax kasta oo ka iman kara Waqooyiga Kuuriya, sidaa darteedna in lagu rakibo Alaska iyo Calafornia Gantaalaha balastiga ee loo adeegsado ka hortaga.
Tallaabooyinka Lagu Baajin Karo Colaaddan.
Sida taariikhda ku cad waxa Kuuriya laba qaybood u kala jabiyey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyat intii uu socday dagaalkii qaboobaa.
Laba jeer oo ay ka wada hadleen sidii ay u midoobi lahaayeen ayey ku guul daraysteen, waxaanay toos ugu kala safteen laba dhinac markii uu socday dagaalkii 1950kii ilaa 1953kii.
Waqooyiga Kuuriya oo lagu tiriyo qaramada Adduunka ugu saboolsan, haddana colaaduhu may ahayn mid maankeeda iyo qorshaheeda ka baxday, waxaanay Nukliyeerkeeda tijaabisay shan jeer oo hore, tirona malaha Gantaalaha riddada dheer ee ay samayntooda faraha ka qaaddo cirka u ganto.
Wada xaajood kasta oo ay wada galaana natiijo iyo rejo midna kama soo bixin, waxaana u dambeeyay kii Shiinaha, K.Kuuriya, Maraykanka iyo Jabaan ay la galeen ee u muuqday inay ka soo baxdo yiddidiilo keeni karta is afgarasho.
Wada xaajoodkaasi oo Peyongyong ku ballan qaaday inay joojinayso qorshaha ay ku samaynaysa Nukliyeerka, haddii loogu badalo taageero dhaqaale iyo tannaasul siyaasadeed.
Iyadoo lagu gudo jiro sidii dalabkeedaasi loo oofin lahaa, ayaa indhaha lagu kala qaaday iyada oo ku furaysa biyihii Qaboojinayey falgal curiyayaashii ay ku bislaysay balatooniyamka.
Markii Maraykanka iyo reer galbeedku daba galeena, Waqooyiga Kuuriya waxay ka gaabsatay inay tuhun bixiso ama ay ka jawaabto eedihii loo jeedinayey, waxaanay sheekadaasi soo gabagabaysay 2009-kii markii ay samaysay tijaabadeedii Nukliyeerka ee ugu dambaysay.
Qaramada Midoobay iyo dhawr dawladood oo ku soo rogay cuno qabatayn lagu bartilmaameedsaday barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo dhaqdhaqaaqyadeeda ee ay dibadda ka waddo, waxaana ugu dambaysay cuno qabatayntii lagu joojiyey dhuxul dhagaxdii ay dunida u dhoofin jirtay.
Reer galbeedku waxay isha ku hayaan dalka Shiinaha oo ah ka kaliya ee dhexdhexaadiya macaamilka ay Waqooyiga Kuuriya la leedahay Adduunka, waxaana la doonayaa sidii Bangiyada Shiinaha ee ka hawlga W.Kuuriya loogu caddaadin lahaa inay kala baxaan tuunbooyinka qudha ee ay ka siinayso, haddii ay ku guuleystaana waxa meesha ka bixi doonta salliida uu Shiinuhu ka qaato, taasina saamayn dhaqaale iyo siyaasadeed ee nidaamka Kim Jong, waxaanay sii carrin doontaa xiisaddii shacabka ee ka dhalatay dhaqaale xumadii la soo deristay dawladda, markii ay weyday gargaarkii dibadda ee ay ku quudin jirtay.
Ma jirto dhaqdhaqaaq mucaarid oo lagu kicin karo taliska Kim Jong.
Awoodda Xisbiga talada hayaa waa mid buuxda oo xidhan, mana jirto saxaafad madaxbannaan, Idaacadaha iyo Telefishanadana dawladda ayaa gacanta ku haysa, adeega Internet-kuna waa mid dawladdu samaysatay mana jirto si ay adduunyadu usoo gaadhi karto iyaguna u gaadhi karaan.
Shabakadaha sirdoonka ayaa meel kasta ku baahsan oo taako taako ula socda dhaqdhaqaaqyada xukun diidka ah, mana jirto cid isku dayi karta abaabul, maaddaama oo ciqaabta kuwa lagu eedeeyo inay maamulka ka soo horjeedaan ay aad u ba’an tahay.
Sidaa darteed, kama fursanayso in dadaalkii wada hadalka iyo is-qancinta ee Maraykanka iyo waddamada loo arkayo dhexdhexaadku inay dib u soo nooleeyaan.
Shiinaha oo aan rabin colaad iyo fadqalalo jaarkiisa ka dhacda ayaa isna door muhiim ah ka qaadan kara tallaabo kasta oo dublomaasiyadeed oo lagu dhameyn karo xaaladdaasi cakiran.