Xiisad Siyaasadeed oo ka dhex Aloosan dalalka Faransiiska iyo Turkiga
Paris Dec 23,2011(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Talyaaniga ayaa manata safiirkeedii joogay Faransiiska dib ugu yeedhay ka dib kolkii ay tiro xildhibaano ka tirsan baarlamaankaasi ay xeer ka soo saareen dhacdo Turkiga ka dhacaday mudo fog.
Baarlamaanka Faransiiska ayaa dad asal ahaan ka soo jeeda dalka Arminia oo ku noolaa dalka Turkiga in xasuuq loo geystay.
Reysul wasaaraha dalka Turkiga Rajib dayib Ardogan oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in talaabada baarlamaanka Faransiiska qaaday in ay tahay mid carqalad weyn dhexdhigeysa labada dal.
Turkiga ayaa sheegashada Ariminiyiinta ee ah in xasuuq loo geystay xiligii dagaaladii lagu hoobtay ee dunida aaney waxba ka jirin.
Qurbejoog-Paris