|

Xiisad Ka Taagan Dhul Ku Yaalla Duleedka Madaarka Hargeysa, Taliyaha Milletariga Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ciidan Hubeysan Geeyay & Suldaanka Guud Oo Hanjabay DAAWO

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Xiisad Colaadeed, ayaa ka soo Cusboonaatay Dhul ku yaalla Duleedka Madaarka Hargeysa oo ay isku Haystaan Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Qoyska Ila Saleebaan Bidde oo uu Wakiil ka yahay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.
ABWAAN AXMED SALEEBAAN BIDE IYO SULDAAN MAXAMED SULDAAN C.QAADIRDhulkan oo hore muran uga jiray, balse uu horraantii Sannadkan Guddi uu Madaxweynuhu u saaray Xal ka gaadheen, markii Dhulkaasi laga jaray Qayb lagu sheegay Dan-guud, ayaa haddana waxa ka soo Cusboonaaday muran ku saabsan Mulkiyaddiisa, waxaana Sida uu Abwaan Axmed Saleebaan Bidde sheegay Dhulkaasi tagay Ciidammo Milletariya oo ku gaashaamaan Gaadiid Ciidan iyo Hub kala duwan oo uu ay ka mid yihiin Dhishiikayaal.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Xubno kale oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Tafaasiil ka bixiyey Xiisadda ka taagan Dhulka Ciidammada Qaranka iyo Ilma Saleebaan Bidde ku muransan yihiin.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Markii u horeysay ee Ciidanka Qaranku na soo galeen ayaan ku idhi waakan Sharcigii Dhulku ee Hoo’, markaasay yidhaahdeen Imika Sharciga qaadan maynee Hay. Macnahooda oo dhami waxay noqdeen Dhulkiinaa badan, Sharcigiina shaqeyn maayo, waxaana la yidhi in Ninka Jananka ahi ku dhaartay inaanu ka tageyn Beerta Ilma Saleebaan Bidde illaa uu Rag ku laayo, sidii Kalshaale iyo Beertii Suudaanta, markaa Imika ayuu ka Gun-gaadhayaa, markaa Dawladdu ama way na kala Saari Toddobada Maalmood ee soo socda ama Ciidan ka badna Ciidan, oo annaguna Jabhad baanu noqon.”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan ka hadlayaa inaanu Dalka Sharci ka jirin, mar haddii Waraaqihii ay soo saareen Guddidii Wasiirrada ahaa ee Madaxweynuhu diray Afka la iska Marinayo, ma jirto kala sareyn iyo Ixtiraam. Markaa Nimankaa (Ciidanku) waxay u barteen Dhulkii ay hore Beenta ugu qaateen ee Dib ugu dul-qaadan mayno. Madaxweyne Guddidii aad u saartay Xerada Gaas N-tu intay Dhulkayagii Qorsheysteen ayay kuugu sheegeen Dan-guud, Adiguna Qalinbaad (Ku saxeexday), annaguna waanu iska Xishoonay oo kulamaano hadal, Maantana tanna hadday Tii oo kale noqoto dee Arladaba waanu iskaga tagi”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Waxaan leeyahay Ciddii Arrintani khuseyo deg-deg hala iskugu yimaaddo, Waayo? Annagu maanu arag Beer uu Reer leeyahay Dawlad dhan oo Xiniinyaheedii qabta inay awooddeeda dul-dhigto, markaa Ceerigaabo, Berbera, Burco iyo Ilaa Hargeysa waanu isku Qayshaneynaa ee waa Ciddii laga Xoog roonaado.”


Comments are closed