|

Xiisad ka Dhalatay Hadal Madaxweyne ku Xigeenka Maraykanku kula hadlay Somalida ku Nool Gobolkiisa

Washington 22.Feb 2015  (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa dhalleecayn baan loo jeediyey kadib markii hadal uu jeedinayey uu ku soo qaaday jaaliyadda SOomaalida ee deggen gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware.

Isaga oo ka hadlayey kulan ka dhacay Aqalka Cad ee Maraykanka oo lagu falanqaynayey ol’olaha dhowaan dalkaas ka bilowday ee loogu magac daray dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada gacan-ka-hadalka wadata ayaa uu Joe Biden soo qaaday xidhiidh uu sheegay in uu la leeyahay Soomaalida Maraykanka ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in qaar badan oo ka mid ahi ay tagsiilayaal ka yihiin magaalada Wilmington oo ah tan ugu weyn gobolka Delaware.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaya Soomaalida ayaa sheegay in Soomaali badan oo uu yidhi, aad ayaanu isu garanaynaa ay ku nool yihiin magaaladiisa Wilmington. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Haddii aynu isku raacno rugta tareenka laga raaco, waxa aad ogaan doontaan in aan xidhiidho waaweyn la leeyahay Soomaalidaas, waayo waxaa jira tagsiilayaal aad u tiro badan oo aanu saaxiibbo nahay” ayaa uu yidhi madaxweyne ku xigeenka Maraykanku.

Laakiin isla markii uu warkani dibadda u soo baxayba waxaa bilowday dhalleecayn xooggan oo loo jeedinayo Joe Biden, iyada oo lagu eedaynayo in ereyada uu yidhi ay ahaayeen kuwo aan hadalka u lahayn muhiimad kale oo aan ahayn uun in ay muujinayso uun cunsuriyad.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo si gaar ah u sii dabagashay hadalka Biden ayaa iyaguna muran adag ka keenay xaqiiqada warka uu sheegay ee ah in Soomaali badani ay gobolkaas tagaasi ku wadato, Talefishanka CNN oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa soo qaatay qaar ka mid ah tagsiilayaasha gobolka Delaware oo la weydiiyey bal in ay garanayaan tagsiilayaal Soomaali ah, “Ma filayo in aan marnaba ku arkay Delaware tagsiile Soomaaliya” ayaa uu yidhi mid ka mid ah oo lagu magacaabo Anthony Eber. Ninkan oo ah asal ahaan ka soo jeeda dalka Sierra Leone waxa uu leeyahay lix tagsi oo magaalada Wilmington uga shaqeeya, ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Waxa aan arkaa Tagsiilayaal u dhashay dalka Guinea laakiin Soomaali keliya ma’aan arkin”

Dadka qaar ayaa ku dooday in Biden uu awoodi kari waayey in uu kala garto jinsiyadda ay ka soo jeedaan tagsiilayaasha uu la macaamilay, waxaana warkaas sii xoojiyey hadal uu CNN u sheegay tagesiile kale oo u dhashay dalka Liberia ayaa isaguna sheegay in uu hore Biden u arkay mararna tagsigiisa ka kireeyey, laakiin aanu aad u arkin intii uu madaxweyne ku xigeenka noqday.

Ma’aha markii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeenka Maraykanka lagu dhalleeceeyo in uu yidhi, ereyo si u muujinaya cunsuriyad, waxaana weli la xasuusan yahay ceeb weyn oo ka raacday hadal uu jeediyey 2006dii oo uu ahaa xildhibaan, kaas oo ay aad u dhibsadeen dadka Hindida asalkoodu yahay ee Maraykanku.

Comments are closed