|

Xiisad Colaaddeed Oo Ka Taagan Deegaanka Qoriley iyo Hub Urursi Xoogg Leh Oo Halkaasi Ka Socota

Qoriley,14sep,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Qoriley ee gobolka sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto sansaan colaadood oo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda halkaasi dagaal ka qarxo, hub urursi iyo gurmad badan oo ka jira deegaanadaas ayaa nasoo gaadhaya, waxaana arrintani ay ka danbeysay ka dib markii halkaasi ay dhawaan kolonyo ciidamo laba beeleed ah oo horay isku hor fadhiyay jid-gooyo loo dhigay,halkaasina uu ka qarxay dagaal labada maleeshiyo beeleed u dhaxeeya, waxaana wararka halkaasi aanu ka helaynaa ay sheegayaan in ku dhawaad 3ruux ay halkaasi darraad ku dhinteen in ka badana ay ku dhawaacmeen, intaasi ka dib ayaa waxa deegaanka ka bilaabmatay hub urursi iyo gurmad xoogleh iyadoo labada beeleedba ay dhankooga diyaar garow xooggan kaga jiraan , iyadoo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda uu halkaasi dagaal ka qarxo.

qoriley

Mid ka mid ah odayaasha labada dhinac oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda Qurbejoog.Com ayaa u sheegay sidan ‘’Adeer maanta waxa markale qarxay dagaalkii maalmahanba xalkiisa lagu guda jiray ee u dhaxeeyay labada beelood ee walaalaha ah, waxaana maalin saddexaadii halkaasi adeer ka dhacday jid-gooyo ay qoloda burtinle sameysay ee dhanka Puntland, waxaana adeer laga cabsi qabaa in halkaasi markale dagaalku ka qarxo..’’ ayuu yidhi Maxamuud Barkhadleh oo ka mid ah odayaasha deegaankaasi kasoo jeedda.

Ugu danbeyntii colaadda ka taagan deegaanadaasi ayaa ah mid muddo badan soo noq-noqotay, iyadoo ay dhawaan ahayd ka dib markii halkaasi ay markale labada beeleed ku wada dagaallameen, balse la sheegay in  la dhex-dhexaadiyay oo xal iyo xabbad joojin laga gaadhay.

Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Halkan Kala Soco Insha Allaah.

Comments are closed