|

Xidhiidhkii Xukuumadda Somaliland Ee Arrimaha Dibada Oo Halkii U Hoosaysay Maraya Iyo Madaxtooyada Oo Ka Maarmi Wayday Inay Dib U Raacdo Dhabbihii Uu Daahir Rayaale Jeexay

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Warar Madax bannaan ayaa tibaaxay in Madaxtooyadda Somaliland ay hadda uun Qarwaaqsatay in Xidhiidhkii Caalamiga ahaa ee ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamku uu si weyn hoos ugu dhacay islamarkaana uu marayo meel aan la qarsan Karin,Waxaanay wararku sheegayaan in Xukuumadda siilaanyo dib boodhka uga jafayso Wadadii uu Daahir Riyaale kula macaamilayay Beesha Caalamka islamarkana ay suurtagal tahay in dib loo magacaabo rag badan oo Xukuumaddaasi kala shaqeeyay Arimaha Dibada.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa daaha ka rogay in Madaxtooyaddu u yeedhay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somaliland ee Xukuumaddii Daahir Riyaale Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo aad loogu amaano inuu meel fog gaadhsiiyay Xidhiidhka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ay lahayd Beesha Caalamka,Waxaanay Tibaaxo aanu helnay noo xaqiijiyeen in Maxamed Cabdilaahi Ducaale ku sugan yahay Magaaladda Hargeysa,islamarkaana uu wada hadal u socdo Isaga iyo Xukuumadda oo sida la sheegay aad loo raajicinayo in loo dhiibo Xilka Wasaaradda Arimaha Dibada oo mudooyinkan dambe fadhiid noqotay,islamarkaana tahli wayday inay gacanta ku hayso saaxiibadii ay Dawladii Riyaale ku lahayd Beesha Caalamka.
Wararkan ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Siilaanyo uu Hadda Garwaaqsaday in Dawladiisu aad uga liidato Arimihii dibada islamarkaana uu isaga laftiisu u yeedhay Cabdilaahi Maxamed Ducaale,si uu talo uga waydiiyo Qaabkii ay Dawladii Daahir Riyaale kula macaamili jirtay Beesha Caalamka islamarkaana uu doonayo inuu marka hore ka dhigo Lataliye,inyar kadibna uu Wasiir buuro ah ka dhigo.
Warar kale ayaa sheegaya in Xukuumadda Siilaanyo ugu yeedhay Maxamed Cabdilaahi Ducaale si ay ugu magacawdo Wasaaradda Arimaha dibada, islamarkaana uu isaga laftiisu u yimid arintaasi oo ka hor intaanu iman xidhiidh lala sameeyay oo loo sii sheegay arintaasi islamarkaana la isla gartay oo la sugaya uun wakhtiga ay Madaxtooyaddu qorshaynayo inay Booskaasi u magacawdo.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa intii ay Hogaanka dalka Haysay waxa si tartiib ah hoos ugu dhacay xidhiidhkii caalamiga ahaa ee ay Somaliland lahayd Beesha Caalamka, Waxaana gabi ahaanba soo oodmay oo Albaabada la iskugu soo dhuftay Xafiisyo badan oo Diblomaasiyadeed oo Dawladii Daahir Riyaale ka furatay Wadamo badan oo Caalamka Tirsan. Arintan ayaa ku soo beegmaysa Wakhti Masuuliyiin Xisbiga WADDANI Ka tirsan safar ugu baxeen Magaalada Nairobi islamarkaana ay bulshadda Somaliland ugu baaqeen inaanay codka Xukuumadda Siilaanyo gaadhin Nairobi,iyadoo ay haboonayd in Dadkeena abaaruhu ku dhufteen beesha Caalamka loogu qaylo dhaan tago taasoo u baahnayd dadaal xukuumadeed.

Comments are closed