|

Xidhiidhkii Dublamaasiyadeed ee u dhexeeyay Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo Halkii Ugu Xumayd Maraya & Faa’iidadda Somaliland ka Heshay

Muqdisho 05. March 2017 (SDN/QJ):-Waxaa sii xumaanaya xadhiidhka u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Crabata, waxa ayna arintaasi keentay in Safriikii Dowlada Imaaraatka u fadhiyay magaalada Muqdisho si deg deg ah looga yeeray dalkiisa kuna laabtay.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa ka cadhootay go’aanka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya uga soo horjeesatay in saldhiga Milatari ay ka dhigato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa ayna horey saldhigaasi ugala heshiisay Xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in madaxda dalkaasi kala hadlay sidii loo faragalin lahaa qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig milatari uga dhisato Garoonka Diyaaradaha Berbera.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in si deg deg ah ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, waxa uuna safiirka ku laabtay magaalada Abuu Dubai.

Amarkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu shegay in uu safiirka ugu laabtay dalkiisa, Safiirka ayaana la filayaa in uu warbixin siiyo Wasaarada Arimaha Dibada .

Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha ay Dowlada Imaaraatka Carabta saldhiga uga dhiganeyso magaalada Berbera, waxa ayna Madaxda dowlada sheegeen in Somaliland ay tahay dhul Soomaaliya kamid ah .

Xadhiidhka Dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaarataka ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayay, Dowlada Imaaraatka oo taageero badan siisa Dowlada Somalia.

Dowlada Imaaraatka ayaa heshiis kula gashay Jamhuuriyadda Somaliland in saldhig ciidan ka dhigato Garoonka Diyaardaha magaalada Berbera, waxaana heshiiskaasi Somaliland ku heshay dhaqaale badan,Kaas oo ay Dawlada Federaalka Somalia Is Tustay in Hirgalinta Heshiiskaasi uu Keenayo inuu dhamaystirmo Gooni Isu Taaga ay Somaliland ku dhawaaqday 1991kii .

Comments are closed