Xidhiidhka Kubadda Cagta oo soo bandhigay waxqabadkiisa sannadkii tagey
Hargeysa, 07, Mar 2012 (SDN)- Xidhiidhka Ciyaaraha Kubadda Cagta Somaliland ayaa maanta soo bandhigay waxqabadkooda sannadkii tagey ee 2011-ka.
Munaasibada bandhiga wax-qabadka oo lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hareysa ayaa waxa ka qaybagalay Wasiirada Madaxtooyada, Ganacsiga, Maareeyaha Madbacada qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, madaxda Xidhiidhka Kubadda Cagta, Ciyaartoy iyo marti sharaf kale.
Waxqabadka Xidhiidhka Kubadda Cagta oo lagu soo ururiyay bug ayaa waxa ugu ka hadlay munaasibadii bandhiga Guddoomiye ku-xigeenka Xidhiidhkaas Saleebaan Xasan Daahir waxaanu ka warbixiyay waxqabadkooda ay buuga ka sameeyeen, isagoo mahadnaqna u jeediyay Wasiirka Duulista iyo Wasiirka Ganacsiga oo uu sheegay inay qayb ka yihiin horumarinta Ciyaaraha.
Agaasimaha Dallada SONSAf Maxamed Axmed Maxamuud (Barwani) oo ka mid ah daneeyayaasha Ciyaaraha ka duwan ee da’ yarta ayaa ka hadlay faa’iidooyinka ay ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyrada, waxaanu Xukuumadda ku booriyay inay u samayso Xidhiidhada kala duwan miisaaniyad ay wax ku qabtaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax ayaa isaguna sheegay inay shaqadooda u madaxbanaanaynayaan Xidhiidhka Kubadda Cagta, isla markaana ay si wanaagsan ula shaqaynayaan Wasaarad ahaan.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Axmed Maxamuud Sheekh ayaa ka warramay waxqabadkoodii sannadkii tagey, isagoo xusay inay qabteen koobab door, kuwaasoo ay u qabteen kooxaha heerarka kala duwan eek a dhisan dalka. Waxa kale oo uu sheegay Guddoomiyuhu inay Xidhiidhkooda u suurogashay inuu qabto koobkii Gobollada dalka muddo afar sanno ah ka dib.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay munaasibadaas ayaa sheegay in Ciyaaraha ay Xukuumad ahaan ahmiyad gaar ah siinayaan, isagoo xusay in 6 kooxood oo ka mid ah Kooxaha heerka 1aad ay u ciyaaraan hay’ado dawli ah. Kuwaasoo ay ka mid yihiin Kooxaha Dawladda Hoose, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Wasaaradda Duulista iyo Wasaaradda Ganacsiga.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasibadaas ayaa sheegay inay Ciyaaruhu ka mid yihiin waxyaabaha bulshda isu soo dhaweeya, isla markaana y Xukuumad ahaan dhiirigelinayaan.
Waxa kale oo munaasibadaas ka hadlay La-taliyaha arrimaha dhalinyarada ee Madaxweynaha Cabdi-najax Siyaad, Agaasimaha Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada iyo xubno kale oo dhamaantood ka warramay waxkarka ciyaaruhu u leeyihiin bulshada.
SDN, Hargeisa Somaliland