|

Xidhiidhka Kubada Cagta ee Fifa oo Shaqada Ka Joojiyey Gudoomiyahoodii Bedelkiisina Shaaciyey

Zurich 08.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xidhiidhka Kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa  Gudoomiyahoodii  Sir Sepp Blatter,ka joojiyey shaqooyinkii uu ka hayey ururka , waxana ay gudoomiye ku meel gaadh ah u magacaabeen Ciise Xayaato oo ah Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika

Sir Sepp BlatterKulan ay maanta gudiga anshaxa ee ururkaasi ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Zurich ee Dalka swezarland ayaa lagu ansixiyey shaqo ka joojinta  Gudoomiyahii Ururka FIFA

Dhanka kalena gudigu waxay sidoo kale shaqadii ururka ka joojiyeen Gudoomiye ku xigeenkii Fifa Misheel Platini oo ah gudoomiyaha  xidhiidhka kubada cagta ee qaaradda Yurub, inkastoo ganaaxaasi aanu ka mamnuucayn Misheel Platini ololihiisa musharaxnimo ee gudoomiyanimada ururka FIFA.

sep
Go’aanka shaqo ka joojinta ee Gudiga sare ee fifa ayaa sidoo kale saameeyey Xoghayihii guud ee hore ee ururkaasi Jerome Valcke oo bil ka hor laga casiley xilkaasi. Halka sidoo kalena Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xidhiidhka FIFA Chung Mong-joon laga joojiyey dhaqshaqaaq ciyaareed muddo lix sanadood ah sidoo kalena la ganaaxay dhaqaale gaadhaya 100,000  oo lacagta Swiss francs-ka ah una dhiganta ($103,000).

Chung Mong-joon oo isna ka mid ah madaxda sare ee FIFA ayaa muddo lix sannadood ah ciyaaraha laga ganaax, waxaana loo raaciyey 100,000 lacagta Switzerland ah oo uu bixinayo.

Platini ayaa ahaa murashaxa loo badinayo in uu kursiga kala wareegayo Blatter doorashada dhici doonta February 26, waxaanu go’aankan ganaax caqabad weyn ku noqonayaa mustaqbalkiisa.

Murashaxa madaxweynaha FIFA ee Chung Mong-joon oo isaguna ka soo jeeda wadanka koonfurta Korea ayaa ganaaxaas ku maqnaan doona oo aan dhaqdhaqaaq ciyaareed samayn doonin muddo lix sannadood ah, iyadoo loo hayso qayb uu ka qaatay martigelinta Koobka Adduunka ee 2022 go’aamadii lagu siiyey martigelintiisa waddanka Qatar.

Platini ayaa sidoo kale, waxa loo haystaa xuquuqda baahinta Koobka Adduunka oo la sheegay in uu lacag dhan 11 Milyan oo Gini ku siiyey Jack Warner oo ah sarkaal la ganaaxay, kaas oo isna shirkado kasii iibiyey.

 

 

 

Comments are closed