|

Xidhiidhka ka dhexeeya Madaxweynaha Jabuuti iyo qodobka lixaad ee shirkii London

London Mar 02,2012(SDN)-Dawladaha axsaabta la ah Somaliland ee gobolka iyo kuwa caalamka ee isugu yimi shirkii London ee Soomaaliya looga hadlayay ayaa inta badan qodobadii 26ka ahaa ee ay shirka ka soo saareen waxa ay ahaayeen qaar hore la isula qaatay,balse ay aheyd uun in Soomaalida loo soo bandhigo.

Qodobka ku cusbaa masraxa siyaasada Soomaalida ayaa ahaa ka 6aad oo qeexayay in Somaliland iyo Soomaaliya beesha caalamku wada hadal siiso.

Dalalaka Gobolka khaasatan Itoobiya iyo kuwa reer galbeedka ayaa ku dhiiran waayay soo bandhigida qodobkan,in mudo ahna isla eegayay sidii miiska loo soo saari lahaa.

Waxa la isla gartay in la helo cid qodobkan soo bandhigta oo Soomaaliduna aaney ku eedeyn kareyn in ay dalka kala jareyso.

Waana sababtaa ta keentay in Madaxweynaha Jabuuti uu khudbadii uu ka jeediyay shirkii dhawaanta lagu qabtay London ee looga hadlayay xaalada Soomaaliya sidii loogu midoobi lahaa  uu ku xuso in iminka la joogo xiligii la wada hadal siin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Qodobkaa oo hadii cid kale ay ka dhawaajin leheyd lagu kala dareeri lahaa Shirka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale shirka ka soo jeediyay in dhaqaale ahaan Somaliland gacan la siiyo waana qodobkaa ka wadada u baneeyay in Britain ay Somaliland u furto sanduuq dhaqaale.

Isku soo xooriyoo ma cada in madaxweynaha Jabuuti uu ula kac hadaladaa u jeediyay iyo in khudbadiisii uu ku dur is lahaa Somaliland dhanka kale loogu rogay.

Waana markii u horeysay oo shir Soomaalida loo qabtay arintooda loogu kala qaaday Soomaaliya iyo Somaliland.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed