|

Xiddigii reer Ukraine Shevchanko oo Ka Fadhiistey Ciyaaraha Una Ruqaansadey Xagga Siyaasadda.

Kiev-Ukraine-July-29-2012-qurbejoog.com-Ahyaartry qubanaheena cayaaraha waxaynu maanta lafagureynaa xiddigii reer Ukraine Shevchenko oo kafadhiistey kubadda cagta una ruqaansadey xagga siyaasadda.

Haddaba Andriy Shevchenko ayaa maanta ka dhawaajiyey inuu ka fadhiisandoono cayaaraha kuna biiri doono xisbiga Ukraine Forward una janjeedha xagga ganacsiga aya hogaamiso Nataaliya Korolebiska,waxaanu sheege inuu diiradda saari doono arimaha bulshada iyo Isboortiga.

Shevchango oo taageerayaashiisu u yaqanaan SHEEFA  waa shaqsi mudnaan iyo sharaf ku leh wadankiisa,sannadihii 1990-dii wuxuu u horseedey inuu kooxda Dynamo Kyiv inay 5-jeer oo isku xigta ku guuleysato horyaalka Ukrain isla markaana 48-Gool u dhaliyey 111-goor oo u ciyaarey xulka qaranka ee dalkiisa.

Saaxiibayaal laacibkan oo 35-jir ah ayaa 2004-tii ku guuleystey abaalmarinta ee sanadkaas ugu wanaagsanaa Yurub,wuxuuna iska fogeyn jirey xagga siyaasadda.

Shavchenko oo ku biirey hooxda Ac-Milan 1990-kii uguna deeqey 127 gool oo ay ku qaadeen horyaalkii Talyaaniga,2006-na wuxuu u soo hayaamey Naadiga Chelsea lana qeybsadey FA Cup iyo League Cup.

Koobkii Yurub ee lagu qabtey Ukraine iyo Poland 2012 ciyaartii ay la yeesheen Sweden waxay uga badiyeen 2-1 labada goolna isagaa madaxa ugu dhaliyey waana guusha kaliya ay gaadheen intii uu socdey koobkaasi.

Haddaba Bahweynta ciyaaraha jecel taageerayaashiisa iyo reer Ukraine oo dhan wey ku soo raaxeysteen ciyaar wanaagiisii ee bel aynu argno wuxuu ka keeno siyaasadda.

W/D-Jaahuur

qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed