Xiddigaha Ciyaaraha u Caansan oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadley Geerida Nelson Mandela.(By Jaahuur)
South Africa Johannesburg-07-Dec-2013-(SDN) Ahyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadadeynaa xiddigaha caanka ah maxay iclaamiyeen geerida Mandela?
Mandela oo xabsiga ku waabariistey 27-an sannadood wakhtigii midabtakoorku South Africa ka talinayey,ayaa noqdey madaxweynihii si dimuqaradiyaad loogu soo durtey,isla markiina ku dhawaaqay inuu isboortigu hal mid ah noqdo isaga oo gashan funaanadda xulka qaranka,markaas oo uu socdey koobka kubadda Rugbida ee aduunka sannadkii 1995.
Kabtankii xulka qaranka ee RugbidaPienaar ayaa ka dhawaajiyey,markii aan la kulmey mandela waa markii uu jeelka ka soo baxay garabkana I qabsadey isaga oo qoslaya waana makii iigu farxadda badneyd.
Feedhyahankii caanka ahaa ee aduunka Mohammed Ali,ayaa ku nuuxnuuxsadey waxaan ka xusuusta Mandela waa nin geesi ah aana shuqul ku lahayn wax midabtakoor ah bali’aadmi la mid ahana ma arag.
Boqorkii kubadda cagta ee aduunka Pele, Maanta waa maalin muruga leh inta aan noolahayna qalbigeyga ayuu hooy ku leeyahay.
Xiddigga aduunka aan la loodin Karin goolfta (Golf) Tiger Woods,1998-kii Jaaniska aan kula kulmey anoo aabahay la socda wuxuu noo sheegey oo nagu martiqaadey dalkiisa mana ilaabayo inta aan noolahay iyo qof kasta oo koonkan ku nool.
Xiddiga aduunka u haysta orodka 100-mitir Usain Bolt,wuxuu ku tilmaamey mandela inuu ahaa shaqsiga ugu qiimaha badan aduunka
Gudoomiyaha Fifa-na Sapp Blatter,wuxuu ahaa saaxiibkey,waana maalin muruga leh ina taabaneysa.
Haddaba anoo halkan ku soo koobin Karin xiddigaha aduunka siyaabaha aay ku sifeeyeen Mandela ayey inta kale aan ka tageyna ixtiraam u hayaan.
W/qorey Jaahuur
SDN