|

Xeryaha Qoxootiga ee dalalka Kenya iyo Itoobiya oo roobab Qarqiyeen

Nairobi April 27,2012(SDN)-Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan QM ayaa shaacisay in xeryaha Qaxootiga ee dalalka Kenya iyo Itoobiya ee Soomaalida faraha badani ku jiraan in ay roobab dhawaan da’ay ay maasheeyeen.

UNHCR waxa intaa ay ku dartay in qaxootiga Soomaalida ee gaadhaya dalka Itoobiya ay kordheen mudooyinkii u danbeeyay.

“Xeryaha Cado Dollo ee Itoobiya waxa gaadhayay Soomaali tiradoodu ay gaadheyso ilaa 450 ruux maalin walba”sida uu sheegay afhayeen u hadlay UNHCR.

QM ayaa sheegtay in Soomaalidu ay weli ka yaaceeyso khalkhalka siyaasadeed ee dalkooda.

UNHCR ayaa sheegtay in fatahaadyadu ay caqabad ku noqdeen hawlihii gargaarka ee ay u fidinayeen qaxootiga.

Cabsida ugu weynina waxa ay ka jirtaa in cudurada ka dhasha biyaha wasakhda ah ee la cabo iyo cudurada sida fudud u fida.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed