|

Xeerki baanka oo loo gacan geliyay “ qaadiriya iyo saalixiya “ Iyo Sababta Gudiddii loo Xilsaaray Isha Uga Laliyeen 51 Dal oo Islaam ah oo Xeerkan ku dhaqma

Hargeysa 14, January 2016 (SDN/QJ):- Xeer-dejinta waxa  loo egmaday  Golaha Wakiilada, waana qalad in gacan kale la geliyo.  Waxaan arkay dood sawaxan badan oo xubnaha qaarkood foodhyayaan, qaarna miiska garaacayaan. Waxaan kaloo dhegaystay  Xildhibaan akhriyaaya tallooyin laga soo uruuriyay 12 Wadaad oo kasoo  jeeda  Qaadiriya Saalixiya iyoSoofiyaa  Wuxuu sheegay inay dhamaantood isku raaceen  inay xaaran tahay  ogolaanshaha  Bangiyadda  ganacsigu  “commercial Banks “

islamic-bankGuddigaas loo xilsaaray xeerka baanka  , daraasad kumay samayn sababta   Sacuudigu u ogaalatay  in laga furo  magaalooyinka  Mecca ,Medina, & Jeddah 24 baan “Commercial Banks “  . Waxa ka mid ah    Duetcshe Bank , State Bank of India,  BNB Paribas ,  JP Morgan chaseSaudi British BankHollandi Bank iyo qaar kale .  Guddigaasi daraasad  kumay samayn sabata  51 Dal  oo Islaam ahi ay u ogolaadeen in  dalalkooda laga furo “ Commercial Banks “ iyo  shareecda  islaamka ee ay u coskadeen. Dalalkaas waxa ka mid ah Egypt, Pakistan, Djibouti, Yemen, Af-qaanistan , Somalia,Qatar, Bahrain, etc. .Guddigaasi may raadin  axkaamta iyo tallooyinka ay soo sareen hay-adaha ugu wawayn  cilmi-baadhista Islaamka, sida  Al-Azhar University  , Centre for Islam and Science;Islamic University of Medina etc.

Somaliland horumar dhaqaale ma gaadhi karto haddi la dhegaysto  koox   wadaado ah. Waxaynu dib ugu noqonaynaa casrigii   wadadadu ishor-taageen in Ingriisku  dhiso  skuulo   loona wareejyay Sudan . Waxa ka mid ahaa skuulka  la diiday  “University of Bakhtalruda” , Suda, waxaana  kasoo qalin jebiyay Aabahii Tacliinta Somaliland  Mohamoud Ahmed Ali.

Hadaba, Shacabka Somaliland wuxuu la xisaabtamyaa Golaha Wakiiladda,  waxaana   haboon si dhakhso ah loo dhaqan geliyo xeerka Baananka, oo aan  talada gacanta loo gelin “ Qaadiriya & Saalixiya “.

Drs Hoodo Yusuf, UK,London.

yhoodo@yahoo.com

 

Comments are closed