|

‘’Xeerka Saxaafada Somalia Maanta ayuu si Rasmi ah u Noqonayaa mid Dhaqan-gala,.’’ Wasiirka Warfaafinta Somalia

Muqdisho,12jan,2016(QJ/SDN)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo maanta ka hadlay kulanka horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay shalya, laguna wado in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaa sheegay in xeerka saxaafadda Somalia uu dhaqan-galyo maanta oo Talaado ah.

“Xeerka saxaafadda Soomaaliya maanta ayuu dhaqan-galayaa, Waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah, sida uu qabo qodobka 41-aad ee xeerkan,” ayuu yiri wasiir warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay faa’iidooyinka xeerkan uu u leeyahay saxafiyiinta iyo warbaahintu Somalia. wuxuuna yiri. “Sharcigaan waxaa loo sameeyay saxafiga, wuxuuna dhowrayaa xuquuqdooda iyo noloshiisa, waana sharcigii ugu wanaagsanaa ee warbaahinta Somalia ay yeelato.”

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Waxaan rabno waa in Saxaafaddu jirto oo ay xoog yeelato, waana muhiim inaad idinkkuna sidaa u fahamtaan, waayo shacigan wuxuu saldhig u noqonayaa howlaha warbaahinta dalka oo dhan.”

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa wuxuu ka hadlay xeer-hoosaadka loo samaynayo dhaqan-galinta xeerka saxaafadda Soomaaliya iyo wuxuu ku saabsan yahay. Wuxuuna yiri. “Xeer-hoosaadka lasoo saarayo wuxuu ku saabsan yahay qodobka 40-aad ee xeerkan, sida Qidmadaha, Ganaaxyada iyo arrimaha la midka ah oo ay Wasaaradda Warfaafinta, Golaha saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed iyo maamul-goboleedyaduba ay ka fariisan doonaan.”

Xeerka saxaafadda Somalia oo uu toddobaadkii hore ansixiyay baarlamaanka Somalia ayaa waxaa laba casho ka hor qalinka ku duugay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, isagoo dhaqan-gal noqonaya, waxaana soo dhaweeyay Tallaabooyinkaan oo dhan xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo xusay in tani ay tahay tallaabo horay loo qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in loo sameeyo istiraatiijiyad horumarinta saxaafadda Soomaaliya.isagoo yiri. “Sababta istiraatiijiyaddaan loo Sameynayo waa danta Wariyaha iyo Warbaahinta Soomaaliya. Wixii qaldanna waa la saxayaa, waase inay ahaadaan wax dan guud ah u adeegaya oo aan dan gaar ah u adeegayn, waa inaad lahaansho dareentaan.”

Ugu dambeyn, Shir-weynaha horumarinta Warbaahinta Somalia ayaa lasoo Gunaanadayaa doonaa gellinka dambe ee Talaadada maanta ah , iyadoo laga soo saari doono istiraatiijiyad ay isku raacsan yihiin Dowladda Federaalka Somalia , hay’adaha Saxaafadda Taageera iyo Warbaahinta Soomaaliya, taasoo shaqeyn doonta shanta sano ee soo socota.

Comments are closed