|

Xeerka Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo buuq ka Abuuray Golaha wakiilada oo la Ansixiyay

Hargeysa 17, April,2017 (SDN/QJ)-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.

golaha-wakiilada1Xeerkan  Diwaangalinta Codbixiyayaasha ayaa markii Sheegayay  in Diwaangalinta Codbixiyayaasha lagu dhameeyo lix bilood doorashada ka hor, waxaana imika laga dhigay in diwaangalinta codbixiyayaasha la diyaariyo lix bilood gudaheed intaan doorashada la gaadhin.

Ansixinta xeerka Wax ka badalka lagu sameynayay oo shalay loo balansanaa ayaa golaha wakiilada Buuq ka abuuray kadib markii xildhibaanada Kulmiye ka baxeen fadhigii shalay oo kooramku buuxsami waayay, Balse waxaa markii dambe la isku afgartay in Maanta oo Axada la Ansixiyo xeerka wax kabadalka lagu sameynayay.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay fadhiyeen 59 mudane ayaa waxaa ogalaaday in xeerkaasi wax ka badalka lagu sameeyo  54 mudane, waxaa diiday 3mudane guddoomiyuhuna muu codeyn sidaasina waxaa lagu ansixiyay xeerkii diwaangalinta codbixiyayaasha ee sheegayay in diwaan galinta lagu dhameeyo lix bilood gudahood doorashada ka hor.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa  golaha wakiilada ka codsaday in wax ka badal lagu sameeyo xeerkaasi kadib markii diwaangalintii codbixiyayaasha dib loo dhigay xaaladii abaaraha ee dalka ka jirtay awgeed.

Comments are closed