|

Xeerka Cusub ee Warbaahinta Puntland oo la ansixiyay

Garowe 21.July 2014 (SDN/QJ)-Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta meelmariyay xeerka warbaahinta Puntland oo ay dhawaan baarlamaanka hordhigtay wasaaradda warfaafinta ee maamulkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta loo qaaday xeerka, wuxuuna sheegay in kulanka oo ay soo xaadireen 37 xildhibaan ay 32 gacan-taag ugu codeysay, hal xildhibaanna uu diiday, halka 4 kale ay ka aamuseen.

Dhanka kale, Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa ka soo horjeestay ansixinta xeerkan, isagoo ku doodaya in guddiga loo xilsaaray arrintan ay awood badan siiyeen wasaaradda warfaafinta, isla maarkana la xaddiday awoodda warbaahinta.

Qodobka ugu weyn ee weriyeyaash ay ku dhaliileen xeerka ayaa ah in kaararka aqoonsiga ay bixineyso wasaaradda warfaafinta Puntland, taa oo ay wariyaashu ku tilmaamay in aan wax laga sheegi karin Puntland haddii kale kaararka aqoonsig loo diidayo ama lagala noqanayo.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed