|

Xeer No / 23 -2002/2003 Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Xukuumadu Jebisay oo u-baalmartay sife badheedh ah

Somaliland Golayaasha Degaanka ee Degmo waliba waxaa loo doortey oo loo daayey in ay dejistaan laguna ixtiraamo xeerar kooda iyo xeegaanadooda heer gobol, degmo iyo tuulaba , xeerarkaas oo aan iyagu marna ka hor imaneyn shuruucda Dastuurka qaranka ee dalka u-yaala. Muwaadin bal-u-fiirso xeerarkan hoose iyo faraqyadoodan tirada badan oo xukuumadan talada haysa ee isku-hilan ay ramiimka ka dhigtey oo ay baalmartay.
Qodobka 70-aad ee Xeer 23/2003, Faraqadiisa  3-aad wuxuu leeyahay : Dawlada hoose ee degmo kastaa waxay awood buuxda u-leedahay in ay joojiso ama diido mashruuc kasta oo aan markaa lagala tashan.
Qodobka 71-aad ee Xeer 23/2003- Wuxuu qeexayaa in Shirkadaha gaarka loo leeyahay ay shardi ku tahay in ay heshiis qoraal ah la galaan Golaha degaanka ee degmada ay macaamilayaan.
Qodobka 72-aad ee Xeerka 23/ 2003- Wuxuu bayaaminayaa in Dawladaha hoose xil ka saaran yahay Korontada iyo  qalabka korontada waxaana reeban ayuu leeyahay  bixinta goobaha ay ka taagan yihiin qalabka korontada iyo wixii saameeya.
Qodobka 99-aad ee Xeer 23/2003 –( Heshiisyada iyo Qandaraasyada )
Faraqadiisa  1-aad-  Wuxuu cadeynayaa in golaha degaanku uu awood buuxda u-leeyahay in uu heshiis ama qandaraas la galo, qof, koox, shirkad ama hayad. Faraqadiisa 2-aad– Wuxuu cadeynayaa in goluhu leeyahay Gudi qandaraas oo u-gaar ah.Farqadiisa  4-aad– Wuxuu cadaynayaa in mar kasta ay raacayaan gudida qandaraasyada ee golaha degaanku shuruudaha  qandaraas bixinta ee ku xusan sharciga qandaraasyada ee qaranka uyaala.
Qodobka 101-aad Xeer 23/2003 – (Dhaqan galka iibka) : Wuxuu qodbkani qeexayaa in hanti kasta oo qaranku leeyahay oo lala kala wareegaayo ama la isku wareejinaayo oo ku jirta xadka degmo, heshiiska la galaa  aanu ansax noqon doonin  hadii maamulka dawlada hoose ee degaankaasi aanu ogolaan oo aanu ansixin.
Hadaba ku wareejinta ay Xukuumadu ku  wareejinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay, adeegyadii aas-aasiga ahaa ee bulshada kuwii ugu qaalisanaa ee ugu muhiimsanaa nolosha aadanaha oo ah leydhka gaar ahaan Wershadii laydhka ee Berbera iyo Wershada leydhka ee Hargeisa ayaa xidhibaanada golayaasha degaanadaasi ay ka dhawaajiyeen in lagu wareejinaayo sife qusum iyo qoon ah oo baal marsan shuruucda qardaraasyada ee dalka u-yaala.
Wareysi aan khadka tefoonka kula yeeshay xubin golaha degaanka ee degmada Berbera ka tirsan ayaa yidhi isaga oo ka gaabsanaaya in magaciisa la shaaciyo  “Waxay aheyd in maamulka la daadejiyo oo sheekada laga soo bilaabo Golayaasha degaanka ee degmada maadama Qodobka 36-aad ee Xeer 23/2003 (xilalka Golaha degaanku ) uu dhayda ka cadeynaayo oo noo fasaxaayo in golaha degaanka ee degmo kasta ay shaqadooda ka mid tahay “dhiiri gelinta madaxbanaanida ( privatation ) iyo maalgelinta wadajireed (joint venture ) ee dawlada iyo shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha bulshadu ku xidhan tahay  sida Wershada leydhka oo kale”  Wuxuu mar labaad uu tibaaxay oo ku celiyey Xildhibaankaasi :
“Waxay aheyd in baahi kasta oo degaanku qabaa ay ka bilaabanto oo ay soo curiyaan golaha degaanka, ka dibna golaha degaanku ugudbiyaan iyagu Dawlada dhexe Wasiirkeeda Arimaha Gudaha , kaas oo  isaguna u sii gudbinaaya Wasiirka Qorsheynta qaranka, ka dibna loo gudbiyo Gudida Qandaraasyada Qaranka si loo naadiyo oo ganacsatada dalka loogu soo wada bandhigo, ka dibna loo tartansiiyo oo loo siiyo ganacsadaha shuruudaha buuxiya ee ku guuleysta qandaraaska laakiin nasiib daro taasi may dhicin, weliba hadii faa’ido ka timaadana kala wareejinta dhinac kastaba dib loogu celiyo degaankaas ama degmadaas ayuu yidhi xildhibaanku isaga oo ay hadalkiisa ka muuqato cadho badani.”
Waxaa iyaguna xubno kale oo ka mid ah xildhibaanada golayaasha degaanka ee Berbera iyo Hargeisa ay xaqiijiyeen oo ka dhawaajiyeen in xukuumadu ay isticmaasho sife deris ku nool ah, Taajir wasteysi ah oo abaal marin ah oo isxanbaar ah oo baalmarsan shuruucda dalka iyo shuruudaha  qandaraas bixinta ee ku xusan sharciga qandaraasyada qaranka, taas oo ay u-badheedhay ayey yidhaahdeen xukuumadu in labada Wershadood ee Laydhka ee Berbera iyo Hargeisa ay ku xod-xodato oo ku wareejiso una hibeeyso gancasto ay gacan-wadaag togan leeyihiin. Waxaanu xukuumada ogeysiinaynaa ayey yidhaahdeen in cidii kasta ee ku xad-gudubtey xeerarkaas kor ku xusan uu qabanaayo isla Xeerka ciqaabta ee Qodobka 83-aad ee Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee  Jamhuuriyada Somaliland waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay inaga dhab tahay in ay aynu ku dhaqmeyno ayey yidhaahdeen Xildhibaanadaasi xeerarkii iyo Shuruucdii aynu dhiganay in aynu ku dhaqano, la isku maamulo oo la isku ixtiraamno.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA

Comments are closed