|

Xeer Ilaaliyayaal Iyo Madax Ka Tirsan Maxmadaha Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Boosaaso iyo Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay

Boosaaso:17-Dec-2013(SDN)- Weerar loo Adeegsaday Waxyaabaha Qarxa ayaa  Xalay Ka Dhacay Hutel ku yaalla Magaalada Bosaso,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xeer ilaaliyayaal iyo madax kale oo ka tirsan maxkamadaha Puntland.

in inWeerarkan  oo dhimasho iyo dhaawac keenay, ayaa la sheegayaa inay Haweenay  u dhaxday mid ka mid ah xeer ilaaliyayaashu ay ku dhimatay, iyadoo dad kale oo goobta ku sugnaana ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Bashiir Ismaaciil Axmed, xeer ilaaliyaha maxkamada darajada koowaad ee Puntland iyo Garsoore labaad oo lagu magacaabo Maxamuud Cismaan Cadceed.

Inta laga warqabo ilaa lix ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay bamkaasi oo aan la ogeyn dadkii ka dambeeyay.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib waxay gaareen goobtii falka uu ka dhacay, iyagoo la sheegay inay qabteen dad laga shakisan yahay, kuwaasi oo iminka baaritaano ay ku socdaan.

Qaraxyada Noocan oo kale ah ayaa ku soo badanayey deegaanada Puntland, waxana haatan qaraxyadani ku soo beegmayaan xilli ay kaabiga inagu soo hayso doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Puntland oo rag badani caddeeyeen inay u tartamayaan.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed