Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Baarlamaanka ka Dalbaday in Xilka laga Qaado Xildhibaanno Dacwad Halisa lagu Oogayo & Magacyadooda DAAWO
Muqdisho 17. December 2017 (SDN/QJ):-Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa Shaaciyey Magacyada laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ka dalbaday in Xasaanadda Xil-dhibaannimo laga xayuubiyo, si loogu oogo Dacwad ka dhan ah Dembi Qaran-dumisnimo iyo Khiyaamo Qaran ah oo uu ku eedeeyey inay dhawaanahanba faraha kula jireen.
Mudanayaasha uu Xeer-ilaaliyaha guud sheegay inay Baarlamaanka ka dalbadeen in Maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo, si loo Dacweeyo oo Maxkamad loo horgeeyo, ayuu ku kala sheegay Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo labadooduba Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay Lacago ka soo qaateen Dawlado Shisheeyo oo doonaya in la mijo-xaabiyo ama la dumiyo Qarannimada iyo Dawladnimada Soomaaliya.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, waxa uu eedayntaas iyo arrimaha uu sheegay inay faraha kula jiraan Xildhibaannada Magacyadoodu kor ku xusan yihiin iyo Dalabka ay Baarlamaanka u gudbiyeen kaga warbixiyey Shir Jaraa’id oo uu Axaddii Maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaanannu Shirkiisa Jaraa’id oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-