Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Somalia Oo Eedo U Jeediyay Kenya,Cadeeyayna inaan Wada hadal lagu dhamayn doonin Muranka Bada ee labada dal u dhexeeeya
Muqdisho 11. February,2016(SDN/QJ):– Xeer-ilaaliyaha ee Somalia Dr. Axmed Cali Dahir, ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorshanaysay inay is-hortaagto dacwaddii muranka Badda ee ay u gudbiyeen Maxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.
Axmed Daahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in Muranka kala dhaxeeya Somalia ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal, isagoo xusay in Dacwadda haatan ay hor-taallo Maxkamadda, isla markaana aanu jirayn wax wadahadal ah.
“Ummadda Soomaaliyeed waxay gudbiyeen dacwad khuseysa Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia u dhexeysa…. Qaanuun ahaanna waxay ahayd in Dowladda kenya ay kasoo jawaabto, balse waxay keentay is hor-istaagaan anagana is-hor-taaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay.” ayuu yidhi Dr. Axmed Cali Daahir oo intaas ku daray.
Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo dalka Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda ee Heague.