|

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Ayaa maanta Ka Warbixiyey Qaabka Ay U Qoranyihiin Labada Xer Ee Diiwan Galinta Codbixiyasha Iyo Ta Madaniga Aha

car

Hargeisa 6/9/2014 (SDN/QJ) Garyaqaanka guud ee qaranka Ibraahin Iidle Saleebaan ayaa   faah faahin sharciya ka bixiyey  labada diwaan gelinood ee muwaadiniinta iyo tan codbixiyayaasha.

Garyaqaanka guud ee qaranka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tafsiiray habka uu xeerku u kala qorayo labada diwaan gelinood iyo sida loo kala maamulayo.

Ugu horayna garyaqaanka guud ee qaranka oo ka hadlaya labada diwaan gelinood ayaa waxa uu sheegay inuu xeerku tilmaamayo in lays raaciyo labada diwaan gelinood marka ugu horaysa oo kaliya  waxaanu yidhi “ Waxa wanaagsan in la kala fahmo laba shay oo kala ah miyaa lays raacinayaa labada diwaan gelinood mise way  kala horeeyaan, hadaad dib u fiirsato xeerka asalka ah qodobadiisa 3aad iyo 7aad waxa uu tilmaamayaa labada diwaan

gelinood in marka ugu horaysa oo kaliya mar wada qabanayo  oo isku maalin iyo isku miis lagu qabanayo intaas wixii ka danbeeyana kala gaar ay noqonayaan oo ay kala horayn karaan, in mar la wada qabto xeerka hore ayaa sidaas u jidaynaya, xeerka kalana waxa uu tilmaamayaa in diwaan gelinta muwaadiniintu ay ka horaynayso diwaan gelinta codbixiyayaasha.” Ayuu yidhi garyaqaanka guud ee qaranka Ibraahin Iidle Saleebaan

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in diwaan gelinta muwaadiniintu ay mar walba ka horaynayso diwaan gelinta codbixiyayaasha waxaanu yidhi “Marka qofka muwaadinta ah la sugo muwaadinimadiisii ka dibna loo diwaan gelinayo codbixiyayaashii, markaa waa kala hor marin oo sida ay u kala horeeyaan  ayaa  loo kala  horaysiinayaa  sidaas ayaana u kala maamulayaa xeerku, jawaabtayduna maaha mid la xidhiidha siyaasada iyo dooda xisbiyada qaranka, laakiin waa inaan tilmaamo farqiga u dhaxeeya iyo halka ay iskaga imanayaan iyo sida ay iskugu xidhan yihiin labada diwaan gelinood ee muwaadiniinta iyo codbixiyaasha.” Ayuu yidhi garyaqaanka guud ee qaranka Ibraahin Iidle Saleebaan

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan@Qurbejog.com

Conact@somalidiasporanews.com

Comments are closed