Xeer beegti ay Golaha Guurtidu u saareen Samato Bixinta Golaha Wakiilada oo fadhigoodii 1aad Yeeshay
Hargaysa 16.Feb 2014 (SDN)- Golaha Guurtidda Somaliland ayaa saaka bilaabay ka Gar-naqista Mooshinka khilaafka ka dhex dhaliyey Golaha wakiiladda, waxaanay markii ugu horaysay isa soo hor fadhiisiiyeen labadii guddi ee ay labada garab ee golahaasi u saareen khilaafka ee shalay sheegay in ay dhamaysan kari waayeen khilaafkooda.
Wararka hordhaca ah ee Shabakada Qurbejoog.com ka helayso kulanka saaka golaha Guurtiddu ku dhex dhexaadinayo labada garab ayaa sheegaya in Golaha Guurtiddu u soo xuleen toddoba iyo toban xubnood oo Xeer beegti ah, kuwaas oo shan iyo toban ka mid ahi xildhibaano yihiin, halka labada kale xubno sharafeed Golahaas ka tirsan ay yihiin.
Kulanka saaka bilaabmay labada dhinac iyo Xeerbeegtida Guurtidda ayaa ka dhacaya Hoolka shirarka Golaha Guurtidda, illaa hadana ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay maadaama uu maanta uun la bilaabay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com