|

Xeel Dheere Lafo Gur Ku sameeyay Hodantinimada Luuqada Soomaaliga Iyo Sababaha Dhimaalka Ku Keenay Xiligan

Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Prof Maxamed Xaaji Xuseen Raabi waa mid ka mid ah aqoon yahanada u dhashay Somaliland isla markaana jaamacadaha dalka ka dhiga Luuqada soomaaliga iyadoo la eegayo naxwihiisa iyo qaab dhismeedkiisa isagoo buugaag badan ka qoray hodan-tinimada af soomaaliga,Waxa kale oo Prof Maxamed Xaaji Xuseen uu Jaamacado dalka dibadiisa ah ka ahaa Macallin dhiga luuqada soomaaliga.

Prof Maxamed Xaaji Xuseen Raabi ayaa Xogwaran dhinacyo badan leh waxa uu siiyey Barnaamijka baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Prof Maxamed Xaaji Xuseen waxa uu ugu horayn ka Jawaabay Halkii uu ku dhashay iyo Degsiimooyinkii uu ku soo barbaaray waxaanu yidhi ‘’Horta waxaan ku dhashay Deegaanka Hudisa ee Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil meel la yidhaa daarta qaw-qawle agteeda,Waxaan iskuulka ka galay degmada sheekh Sanadkii 1935-kii sida ii qoran,1957 ayaan ka baxay dugsiga hoose ee Degmada Sheekh waxaan noqday Macallin ilaa maanta ilaa Maalintaas waxaan ku dhex jiray mihnada macalinimo Shaqo kalena maan qaban intii ka horaysay 1964-kii Waxaan wax ka dhigi jiray dugsiyada Somaliland balse wixii sanadkaas ka danbeeyay ilaa 1986-kii waxaan macalin ka ahaa dugsiyada ku yaala Somalia Marka laga reebo 5 Sano iyo badh aan dibada ku maqnaa iyadoo aan tegay dalka maraykanka oo aan ka qaatay Shahaadadii kowaad ee Jaamacada iyo Ingiriiska oo aan ka qaatay tii labaad iyo Canada oo aan u tegay tababar gaaban Sadex ilaa afar bilooad ah,iyadoo takhasuskaygu ahaa afka engiriisiga’’ ayuu yidhi Prof Maxamed Xaaji Xuseen Raabi.

Prof Maxamed Xaaji Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa u yidhi ‘’Ingiriisku wuxuu shisheeyaha siin jiray 75 Shilling si uu af soomaaliga u barto markaas qof kasta oo u shaqeeya wuu isku hawli jiray sidii uu wax uga baran lahaa luuqadan,Waxaa xiligaas Jiray Kooxihii Muuse Galaal,Af-Qarshe,Shire Jaamac kuwaas oo dadka ajaaniibta ah u dhigi jiray af soomaaliga, af kasta markaad baranayso waa inaad u lahaataa afar sano oo aad si fiican u dhegeysto uguna hadasho waxaan ka mid ahaa Macalimiintii la yidhi waxaad af soomaaliga u dhigtaan ardayda shisheeye inkasta oo aanan si wanaagsan ugu talax tegin laakiin waxaan dhigi jiray wax la ii dhiibay oo keliya,ardayda aan wax u dhigayay waxay ahaayeen rag dublamaasiyiin ah oo ka socday dawladihii cilaaqaadka inala lahaa xiligaas,hasa yeeshee waxaan hadana ka mid noqday markii la qoray af soomaaliga Macalimiintii ugu horaysay ee dugsiyada ka dhigi jirtay’’

Prof Maxamed X.Xuseen waxa kale oo uu sheegay in Sannadkii 1999-kii uu ka mid ahaa Xubno ka socday Somaliland iyo Somalia oo Magaaladda Nairobi u tegay qorida kutubta tacliinta dadban ee Somalia iyadoo buugaagtii ay qoreen ay dalka yaalaan waxaanu intaas ku daray ‘’ Waxaan imid 1999-kii waxaa xiligaas la bilaabay jaamacada hargaysa markaas ayay ii yeedheen oo yidhaahdeen kaalay oo nala shaqee weliba waxay yidhaahdeen shaqo kale ma hayno ee waxaad noqotaa gudoomiyaha guddida waalidiinta iyo maamulka waxaan bixin jirnay wixii Kaalmo waxbarasho ah ee la siinayo ardayda danyarta ah taas Ayaan gudoomiye ka ahaa,Waxaan odhan karaa hawshii Meesha taalay intii aan is odhan karayay waad qaban kartaa Ayaan qabtay oo Weliba si mutadawacnimo ah Ayaan u shaqaynayay’’

Prof Maxamed X.Xuseen waxa uu ka hadlay Buugaag uu qoray ‘’Waxaan dhinac waday sidii aan u diyaarin lahaa Buugaagtii aan qoray Mudadii 13 Sano ahayd ee aan Jaamacada Lafoole wax ka dhigayay oo afar buug ahayd kuwaas oo ardayda shisheeyaha ah aan u qoray iyo sadex aan u qoray macalimiintii soomaalida ahayd ee Lafoole ka qalin jebisay markaa afartaa buug ee hore way iga lumeen oo hada ma hayo laakiin sadexdii danbe halkan ayay yaalaan’’.

Waxaa la tilmaamaa in Af somaligu ka mid yahay Luuqadaha faca weyn ee adduunka ee Hodan-tinimada ku abtirsada,inkasta oo aan indhaha laga lalin Karin in sanooyinkii u danbeeyay uu ku yimid dhimaal hoos u dhigay tamartiisii muujiyayna nugaylka badan ee la dariska ah kaas oo Khubarada aqoonta durugsan u lehi ay aaminsan yihiin in hadii uu sidan ku sii socdo ay luuqadani u dhow dahay inay saaxada ka baxdo,Prof Maxamed Xaaji Xuseen ayaa isagu qaba in dhimaalka ku yimid ay uu u arko inuu Waalid beelay ‘’ Markii Luuqada soomaaliga la qoray wixii ka danbeeyay wuxuu afkani u muuqdaa Ilme aan waalid lahayn, 1998kii Xarunta Manaahiijta ee Caasimada hargaysa waxaanu ku Joognay oo ka ka wada hawl galaynay ilaa dhawr iyo Sideetan macalin waxaanu qoraynay manhajka somaliland ee dugsiyada hoose,dhexe iyo sare waxaa la is weydiiyay maxaynu Manhaj ka dhiganaa Macalimiintii meesha Joogtay 90% amase 95% waxay yidhaahdeen Manhajkii af soomaaliga ahaa aan dhan isaga riixno iyagoo u haysta inuu af soomaaligu hoos u dhigay tayadii waxbarashada inkasta oo aanay eegin waxtarkiisa,Waxaa la isku raacay in afarta sano ee dugsiga hoose uu noqdo afsoomaali,Marka uu Ilmuhu yimaado dugsiga dhexe waa in English loogu dhigaa waxbarashadiisa, Sidoo kale Dugsiga sare uu Af Engiriis wax ku bartaa ardaygu, iyagoo u jeeday in ardaygu  marka uu galo Jaamacad oo Maado kastaa ay tahay English uu ula jaanqaadi karo,Markaas waa sababta aan u leeyahay Af Soomaaligii Wuu Waalid beelay waayo wax laga dhimo mooyee wax lagu kordhiyey ma jirto tusaale ahaan buugaagta aan qoray ma helayo meel I caawisa oo daabacda markaas waa inaan wax baryaa oo helaa cid iga gacan siisa,waayo hadii uu leeyahay meel qiimaysa waa la eegi lahaa buugaagta oo waxaa la odhan lahaa Kuwani waa Sax oo sidaas ayaa lagu daabici lahaa’’ ayuu yidhi Prof Maxamed Xaaji Xuseen Raabi.

Xogwarankan oo aad u dheeraa waxa uu prof Maxamed Xaaji Xuseen Waalidiinta Somaliland kula taliyey inay ku dadaalaan Sidii ay Ilmahooda yar yar uga dhisi lahaayeen luuqada af soomaaliga qoristeeda iyo akhrinteeda taas oo wax badan ka caawinaysa ardayga yar isla markaana korinaysa maskaxdiisa.

Comments are closed