Xeebaha Somalia Oo Lagu Qabtay Daroogo Qiimaheedu Dhanyahay$280-Milyan
Kismayo:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ajaanibka ah ee la dagaallanka Budhcad-badeeda u jooga Xeebaha somalia, ayaa Gacanta ku dhigay Doon yar oo ay saarnayd Xashiishad aad u culus oo qiime sare lagu kala iibsadaa.
Ciidanka Doonidan qabtay ayaa ahaa kuwa Dalka Australia kasoo jeeda, waxana Culayska Xashiishaddan ay qabteen lagu sheegay inuu gaadhayo , waxana doonida sidday ka Baxday Xeebo kamid ah Koonfruta Somalia maalinimadii jimcaha sida warbaahinta caalamku Baahisay.
Saraakiisha ayaa sheegay in xashiishka lagu qariyay boorsooyin. Wakaaladaha wararka ayaa qoray in xashiishka la qabtay uu u dhigmo lacag dhan $280 Milyan oo dollar, waxana lagu sheegay daroogagii ugu qaalisanayd abide e Goob kamid ah Carriga somalida lagu qabto.
Shixnadda xashiishka ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii ciidanka badda Australia iyo ciidanka cirka ee New Zealand ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya howlgal socday shan cisho.
Doonta ayaa la sheegay inay u socotay dalalka Bariga Dhexe ama qaar ka mid ah waddamada ku teedsan Bad weynta Hindiya, halkaas oo la tuhunsan yahay inay suuq u ahayd iibinteeda.
Ilaa iyo imika faahfaahin lagama Bixinin cidda doonida lahayd iyo cidda wadatay midna, waxase wararku sheegayaan inay doonidaas naakhuudayaal ka ahaayeen rag yamaniyiin ah, kuwaas oo daroogadaas u kala gudbinayey Somalia iyo Goobta loogu talogalay in lagu iibiyo.
Daroogadan ayaa ah mid aan Somalia ka bixin, waxana la sheegayaa in ay Somalia u timi kaliya in loo sii gudbiyo dalal kale oo iibkeedu lacago sare ka Goynayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com