Xayiraaddii Sucuudiga Ka Dib, Xoolo Uu Markab Ka Qaaday Dekedda Berbera Oo Lagu Iibsaday Sayladaha Dalka Sucuudiga
Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Toddobaad ka hor dawladda Sacuudigu Xayiraad saartay Xoolihii uga dhoofi jiray Guud ahaa dhulalka Soomaalidu degto, ayaa waxaa la sheegayaa in Go’aankaasi kadib markab xoollo daabuley uu ka tagay dekadda magaalada Berbera.
Qaar ka mida Ganacsatada Xoolaha ee magaalada Burco oo shalay u warmayay idaacadda Ergo ayaa sheegay inaanay wax saameyn ah iibka xoolaha ku yeelan suuqii ganacsiga ee sayladaha, balse ay abaartu saameysay Ganacsiga Xoolaha, isla-markaana markab xoolo qaaday uu Toddobaadkan ka shiraacday Dekadda Berbera.
Ganacsade Khadar Cali Xaashi oo ka mida wakiillada shirkadda dhoofka xoolaha ee Al Jaabiri ee magaalada Burco ayaa sheegay in aanay jirin wax xoolo ah oo u joogsaday xanuunaddii ay shaacisay wasaaradda beeraha ee dalka Sacuudigu.
“Joojin ku meel gaadha ayaa soo gaadhey Xoolaha Soomaalida, laakiin waxaa go’aankaasi ka dambeeyay Markab qaadey xoolo iskugu jira Geel iyo Adhi, waa la iibsaday waana lasii daayay”ayuu yidhi ganacsade Khadar Cali Xaashi.
Waxaa uu sheegay in markabkaasi ay laheyd shirkadda Aljaabiri isla-markaana uu ka baxay dekadda magaalada Berbera “Al jaabiri ayaa lahaa markabkaasi dekadda ayuu ka baxay wax xanuun ah laguma arag, Xoolo la joojiyay ma jiraan, laakiin waxaa sayladihii ku yareeyay waa abaaraha ka jira Somaliland, Tirada xoolaha tagay waxay ahaayeen 18 illaa 17 kun oo neef..”ayuu yidhi Khadar Cali Xaashi, waxaanu intaa ku daray, “Markabku wuxuu halkan ka tagay 9-kii bishan, maalintii uu tagayna waalla fasaxay oo wax Cudur ah laguma arag, ilaa 7 Cishana wuu fasaxnaa..”
Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhawaan si ku meel gaadha u joojisay xoolihii uga iman jiray dhulalka Soomaalida, Madaxwaynaha Somaliland ayaa warqad uu ka codsanayo in xayiraadda xoolaha laga qaado dawladda Sacuudiga u diray, iyadoo Doraadna wafti ka kooban wasiirro ay dalka dibadiisa ugu baxeen sidii ay suuq ugu heli lahaayeen Xoolaha shacabka Somaliland oo dhaqaalaha ugu badan kasoo galo bulshada.