|

Xawaaladaha Minnesota oo laba todobaad loo qabtay

Minneapolis Dec 10 2011(qurbejoog.com)-Bangiga qudha ee ii haatan qabta lacagaha xawaaladuhu ururiyaan oo lagu waday in uu joojiyo adeegaa ayaa shalay gelinkii danbe ku dhawaaqay in aanu adeega sii wadi doono.

Banka oo beryahanba waday wada hadalo uu la lahaa madaxda xawaaladaha Soomaalida iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka.

Baanka ayaa shaaca ka qaaday in shuruucda Mareykanka ee loogu talo galay in lagu xanibo taageerada maaliyadeed ee argegixisadu hesho ay baqo gelisay.

Soomaalida gobolka Minnesota ayaa walaac dheeri ah ka muujinaya xaaladan oo qoysaskooda ku noqon karta culeys saaid ah.

Qoyasaska Soomaaliya ku sugan ayaa eheladooda ka hela gacan qabad ay ku maareeyaan noloshooda.

Sunrise Community Banks ayaa ahaa Banka qudha ee ee wada adeegan ka dib kolkii heyadihii dhaqaalaha ee Mareykanku ka fiigeen shuruucda adag ee lagu xakameeynayo lacagaha la diro.

Madaxa Sunrise Banka David Reiling ayaa sheegay in ay dib u dhigeen xiligii ay joojinayeen adeegan bacdamaa ay jirto macluul dunidu la tacaaleyso oo Soomaalida ku habsatay.

Mr Reiling ayaa intaa raaciyay in ay ka shaqeynayaan sdii Banku uu beri uga noqon lahaa eedaha ka dhalan kara adeegan.

Xildhiaanada ka tirsan Golleyaasha Wakiilada iyo Guurtida Mareylanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa iyaguna gacan ka geystay dib u dhigida iyo xal u helida marxaladan.

  Keith Ellison oo ka mid ah Gollaha Wakiilada iyo Al Franken oo ka mid ah aqalka Guurtida ayaa qaba in Soomaalidu adegan baahi weyn u qabto isla markaana ka hawlgalay sidii la isu waafijin lahaa shuruucda dalka iyo adeegan.

Xiisatan xanibaad maacaamilada ay Xawaaladuhu la lahaayeen Bananka Mareykanka ayaa tim ka dib kolkii dawlada Mareykanku ay adkeysay xeerarka Bananka si loog hortago in argegixisadu taageero maaliyadeed ka hesho dalkooda.

Sidoo kale waxa iyana xaalada uga sii daray ka dib koliii laba ruux oo Soomaali ah lagu maxkamadeyay Mareykanka ka dib kolkii la ogaaday in ay Shabaab lacago u direen.

 

Qurbejoog-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed