|

“Xataa Guddoomiyaha KULMIYE Maannaan Casuumin ee Weftiga Dowladda Ayuun Buu Ka Mid Ahaa..” Gudoomiyaha Jaamacada Camuud DAAWO

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa ka hadlay eedayn Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyeen Xukuumadda iyo Maamulka Jaamacadda oo ay sheegeen inaanay ku casuumin Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah Munaasibadda Qalin-jebintii u dambaysay oo Salaasadii toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Jaamacaddaas ee magaalada Boorama, keliyana Xukuumaddu xuurtaysatay siday ku doodeen Mucaaradku.
Gudoomiyaha jaamacadda CamuudHase-yeeshee, Prof: Saleebaan, ayaa ku dooday inay keliya casuumaan Waalidiinta, Culimada iyo Madaxda Dhaqanka Boorama jooga, Wasiirka Waxbarashada iyo mararka qaar Madaxweynaha, balse aanay Madaxda Sare ee Xisbiyada iyo Masuuliyiinta kale ee Xukuumadda toona casuumin ee ay xataa Guddoomiyaha KULMIYE ka mid ahaayeen xubnaha la socday Weftiga Madaxweynaha ee Jaamacadda tegay.
“Horta Jaamacaduhu dadkoo dhan bay u dhexeeyaan, Xukuumad iyo dadweyne waa loo siman yahay, ciddii danaynaysana inay timaaddana way u faran tahay. Jaamacadda Camuud-na Jaamacad yar maaha ee waa Jaamacad Qaran oo Jaamacaddii ugu horreysay Jaamacadaha dalka ah, dabcan marka ay qalin-jebinta gaadho berigii bilawgii waa kobcaynay, dhulkana Jaamacaduhu way ku yaraayeen oo dadka oo dhan waannu casuumi jirnay, Hargeysa iyo Boorama. Immika Jaamacaddi way ballaadhatay, Ardaydi way badatay, hawsheedi way badatay.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Saleebaan oo shalay u warramay Star TV.
Waxaanu intaas ku dartay; “Markaa, immika marka cidi qalin-jebinayso waxaannu war-gelinaynaa oo keliya Waalidiinta oo Arday walba Kaadh loogu dhiibo iyo Wasiirka Waxbarashada oo aannu gaar ahaan u wargelinno oo aannu nidhaahno Ardayda Shahaadooyinka ha guddoonsiiyo ama Cid Qaranka ka tirsan, badanaaba Madaxweynaha inay yimaaddaan, Siyaasiyiin kale oo aannu casuunnaa ma jirto, Shaqaale dowladeed iyo Wasiirro kale oo aannu casuunnaa ma jirto, Culimada, Oday-Dhaqameedka iyo Waalidiinta ayuun baannu casuunnaa, Axsaabtana waa u furan tahayoo, xataa Wakiilladooda Boorama jooga waannu u geynaa Kaadhadhka, Guddoomiyaha KULMIYE xataa maannaan casuumin ee Weftiga dowladda ayuun buu ka mid ahaa.”
“Markaa, cidna uma eexanno, cidna uma eexanno. Immikana way u furan tahay qalin-jebin iyo qalin-jabin la’aan doona. Laakiin, mar xaladihi waa is-beddeleen, hawluhuna way bateen, waxaana mustaqbalka iman doonta wakhti aan Wasiirka iyo Madaxweynuhu toona iman doonin ee anigaygan joogaa uun aan Shahaadooyinka bixin doona, sida Caalamka-ba dhacda.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed.

Comments are closed