‘’Xassan Sheekh iyo Xukuumadiisu ha Tanaasuleen,Tanaasulka lagama raadiyo cida Xaqa leh’’ Dr Faroole
Garowe 10.Jan 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo dhowaan la filayo inuu Kismaayo ka dhaco shirka lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadka 2016-ka,ayaa waxa soo baxay hadalo kaso baxayay Madaxda Federaalka oo ahaa in la isutanaasulo.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ‘’Farole’’,ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadiisu ay u tanaasulaan shacabka Soomaaliyeed,xilli la filayo in dhowaan Madaxda Soomaaliyeed ay go’aamiyaan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadkan 2016-ka hadduu EEBE raali ka noqdo.
‘’Xassan iyo Xukuumadii ha tanaasuleen,tanaasulka lagama raadiyo cida Xaqa leh,waxaan maqli jiray nin yiraahda 4.5 xaq ma aha ee waa xal,xaggee ku qoran tahay waxaan xaq ahayn in la yiraahdo waa xal,wixii xaq ah ayaa xal ah’’Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.
Wuxuu intaas ku daray‘’…..ILLAAHAY ayaa Xassan meeshan keenay,Madaxweyne shacabkaa raac,annagu hadaan doorasho Xamar ka rabno waa iman karnaa,annigu Hodan baan tagayaa’’.
Mar uu ka hadlayay Beesha 5-aad wuxuu tusaale uso qaatay Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo uu sheegay inuu dagan yahay dhul badan oo Soomaaliya ka mid ah,gaar ahaan Baladweyne illaa Wabiga Shabeele,Doolow illaa Jamaame,wuxuuna xusay inaysan waxba ka jirin Wararka la isla dhexmaro oo ah in beesha 5-aad aysan xilal helayn haddii Nidaamka deegaanka wax lagu qaybsado.
Si kastaba ha ahate,dadweynaha reer Puntland ayaa cod dheer ku sheegay inaysan sinaba u aqbalayn nidaamka Xaaraanta ah ee 4.5.