|

XASSAN MAHAMED YUUSUF, HORN CABLE IYO INTA LA XIDHAN U SAMRA SILANYO HADAY GEERIYI DAYSO GABAW AYAN DAYNAYNE

illahay aya mahad leh 


dhibka ka taagan hargaysa e u gaarka ah warbaahinta somaliland waxay igu dhalisay inan qalinka qaato oo aan isku dayo inaan bal fikirkayga o samiim ah aan ka dhiibto 

shalay ayuunbay ahayd markii aw madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland ahmed silanyo aw qudbada aadka u qabaw ka jeediyay labada gole e xukumada 

isla shalay ayuunbay ahayd marki aw madaxwaynuhu aw so hadal qaaday cabashada horta leh e aw u so gooni ugala baxay warbaahinta madaxa banaan inteeda kale television ka  madaxa banaan ee Horn Cable Tv  

Runti tariikhda hadaynu in yar dib u tiigsano waxaynu ka wada markhaati ahayn inteena nool weeye marki aw madaxwaynaha somaliland e haatan xilka haya aw ahaa mucaaridka bilaa hogaanka ah e indho la’aanta ku socon jiray e cid walba aflagaadayn jiray e hadalada deelqaafka ah u adeegsan jiray xukuumadi xilka haysay wakhtiga e riyale madaxda ka aha warbaahinti codkiisa kor u qaadi jirtay e dadka maqashin jirtay waxa hor u mood ka aha telivisionka aw manta xidhay e sababay dhib aad u badan magac xumo iyo ceebna u keenay madaxtooyada dhaman 

runtii loogama fadhiyin inuu manta ku so meeraysto ama aw ku so hoos noqdo madaxwaynahuhu warbaahinta xorta ah ee waxa looga fadhiyay inuu mareeyo oo aw xal waara oo shacabi waynaha u cuntama uga keeno xaalda cakiran e ka soo cusboonatay shirkii aw isagu afkiisa ku fasaxay e taleex 

waxaa looga fadhiyay madaxwaynaha inuu sugo amaanka wadanka iyo xuduudaha

wadanka somalialdn wa wadanka kaliya ee calamka aan xuduudisu sugnayn manta ama aan la garanahayn inta aw ka kobanyay isku celceliska dhulka somaliland taasna waxaa u sabab ah xukuumada aw hogaanka ka yahay mr silanyo 

tariikh ayaa lagu kala baxa tariikhna wa la isku kala garta kartida aw shakhsi leeyahay waxad ku garata liiska aw tariikhda kaga jiro 

shalay ayuunbay ahayd markii aw hogaanka ka aha ururki dib u xoraynta somaliland e SNM wa SOMALI NATIONAL MOVEMENT marki aw heshiisku dhex maray madaxwaynihii ithopia iyo ki somaila silanyo waxa aw la qaatay heshiiski dhex maray labada madaxwayne e ku lidka aha jiritaanka SNM waki yidhi adeer hubka iska dhiga 

Maantana heshiiskii qarsoodiga aha e aw ingiriiska mudada u fadhiyay ayuunbu dhaqan galinaya shacabkana cirka aya lo calamadinaya 

baroortu ogiga ka wayn arinkan ka so baxay madaxtooyadanuna ka wayn horn cable e ma odhan karna khal khal inta ka sii wayn ayuu galinaya wadanka somaliland si aw fursadihiisa siyaasadeed e qalafsan aw u rumeeyo 

ma odhan karnaa waxa aw rumaynaya sheekadii ahayd somaliwayn ?

runti ka filo wax walba silanyo inaga aya xil u dhiibnay siyaasiyiintuna kala miisan iyo mudakarsan hadii aw gacanta ku hayo manta somaliland dhanka kale ayu ka rogi laha lakin shakhsi ayuu ka yahay waxbana kama rumayn karo fikirka qalafsan ee aw ku riyoodo 

sumcad iyo sharaf ayuu dhistay tariikhdisa intii ka danbaysay SNM lakin mudo sanad iyo badh aan gaadhin ayuu qalin cas dib isku mariyay 

waxan aad uga xumahay war baahinta sharafta leh e mantaba ku dhex qadaysay jeel aany mutaysan xaqdarona lagu xidhay kuwas o aw hor kacaayo 
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Xasan Mahamed Yuusuf 
                                             Najax Aadan Cunaaye 
                                             Maxamed Ciro 
                                             Xuuto Jamac 
                                             Nimco Sabriye 
                                             Saleeban Kalshaale 
iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin aad ayaan uga tacsiyadaynaya waxaanan ugu ducaynaya inu illahay uga dhigo nabar xaqdaro waxaanan ku boorinaya  inay  u samraan silanyo waa socdaaye haday geeriyi dayso gabaw ayaan daynahay hadii aw gabaw daayona geeri ayaan daynahayn o maantaba maskax maydhan aya haya 


ALLAA             MAHAD               LEH 

yahye askar 
yaxyem@hotmail.com

 

Comments are closed