Xasan Sheekh Oo Xalay Wufuudda IGAD Ku Qaabilay Madaxtooyada iyo Faahfaahinta Shirka Maanta Furmaya
Muqdisho:Jan,10,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia, ayaa xalay Xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay Wufuudda Ballaadhan oo ka socotay Urur-goboleedka IGAD, oo maanta shir ku leh magaalada Muqdisho.
Madaxweynuhu waxa uu kulankan xalay ku sheegay mid is barasho iyo soo dhaweyn ah, waxana kala qaybgalay Ra’isal wasaaraha iyo xubno kamid ah Wasiirradii xilligoodu dhamaaday.
Wufuudda ka socota IGAD, ayaa u badan wasiirada arrimaha Dibadda, waxase dalalka Uganda iyo Sudan ay halkaas u direen Wasiir-kuxigeeno, waxana la filayaa in maanta halkaas uu ka furmo shirkaas muhiimka u ah Somalia.
Maanta oo Sabti ah, ayaa waxaa lagu wadaa in Hotel S.Y.L uu ka furmo shirka Wasiirada arimaha Dibada IGAD, iyadoona lagu wado in lagu lafo guro arrimaha Gobolka.
Shirka ayaa lagu wadaa inuu furi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisul Wasaaraha uu soo xidhi doono.
Si kastaba ha ahaatee, shirkani ayaa muujinaaya in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso Burburkii ku habsaday markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com