|

Xasan Sheekh oo u hanbalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Kenyatta

Muqdisho March 10 2013 (SDN)– Xasan Sheekh Maxamuud, hogaamiyaha Soomaaliya ayaa waxa uu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee dalkaKenyaee ku guuleystay doorashadii Isniintii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in shacabkaKenyaay ka faa’iideysteen fursadii la hordhigay islamarkaana ay doorteen cidii ay igayagu rabeen iyadoo MadaxweynahaKenyaloo doortay Uhuru Kenyatta.

Mr Xasan ayaa xusay in loo baahanyahay in la taageero Nabada iyo daganaanta Geeska Africa waxaana uu intaasi ku daray in Mushatama Bariga Africa ay dani ugu jirto ganaanshaha iyo xasiloonida Madiqada.

Waxa uu muujiyay Madaxweynaha Soomaaliya in dagaal iyo rabshada aan faa’iido laga heleyn loona baahanyahay in la xusmeeyo Nafta bini aadamka si looga hortago dhiig kale oo ku daata dalkaKenya.

Gudigga doorasha dalkaKenyaayaa shalay si rasmi ah u shaaciyay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada dalkaasi, islamarkaana uu 5-sano ee soo socota hogaamin doono qarankaKenya.

Kenyaayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo markii hore duulaan ku soo galay hase ahaatee Markii danbe ku biiray howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika hoostaga ee ka soconaya Soomaaliya.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed