Xasan Sheekh oo Turkiga u dhoofay lana kulmaya Abiye Axmed
ANKARA (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.
Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa waday dadaalo iyo wada tashiyo lagu doonayo in xal loogu helo xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo ka dhashay heshiis is afgarad oo sharci darro ah.
Wajiga saddexaad ee wada-hadallada Ankara ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan laba wafdi oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya, iyadoo gudaneysa waajibka ka saaran ilaalinta Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya, waxay ku adkeysaneysaa mowqifkeedii hore ee ahaa inaan wax gorgortan ah laga geli doonin ilaalinta midnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.