Xasan Sheekh Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Garoonka Muqdisho Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Saacadaha Soo Socda La sugayo
Muqdisho:Jan,25,2015(SDN/QJ)-Garoonka Caalamiga ah ee Aadan cadde International waxa goor dhaweyd kasoo degay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay Dalka Sucuudiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo ku sugan garoonka Aadan Cadde, waxaana Madaxweynuhu uu qeybta nasashada kulan kula qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka iyo mas’uuliyiintii kale ee soo dhaweynta ka qeyb qaadatay.
Madaxweynaha dalka Turkgia Recep Tayyip Erdoğan ayaa la filayaa in uu soo gaadho garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay iminka ku suganyihiin Madaxda ugu sareysa ee dalka, kuwaasi oo diyaar u ah soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Dhiggiisa Turkiga usoo Galbiyo dhinaca Qasriga madaxtooyada, waxana la sugayaa inuu Madaxweyne Erdogan muddada uu joogo Muqdisho uu xadhiga ka jari doono mashaariic dhawr ah oo xukuumaddiisu halkaas ka fulisay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com