Xasan Sheekh Oo Shaqadii Ka Caydhiyey Agaasimihii Madaxtooyada iyo Saraakiil Kale
Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia, ayaa Shaqadii ka caydhiyey Thaabit Axmed oo ahaa Agaasimaha Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Wararka laga helayo Xarunta Somalia looga Arrimiyo, ayaa sheegaya in madaweynuhu Qaraxii xalay kadib si weyn u shakiyey, isla Markaana Go’aansaday inuu shaqaalaha Madaxtoooyada wax ka beddelo, taas oo loogu horraysiiyey Agaasimihii hore ee Madaxtooyada.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Agaasime cusub u soo magacaabay Madaxtooyada, wuxuuna u magacaabay Cali Cumar (Cali Balcad), kaasoo ku heyb ah Madaxweynaha.
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa wxuuu wax ku soo bartay dalka Mareykanka, iyadoo maalmihii ugu dambeysay uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu sidoo kale ii is bedel ku sameynayaa Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda, ee ka hawlgala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Arrintan, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii weerar qorsheysan xalay lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana masuuliyada weerarka sheegtay Al Shabaab.
Wali waxa socdo tallaabooyin lagu eryayo Masuuliyiin badan oo Madaxtooyada iyo ciidamada qalabka sida ka tirsan, kuwaas oo kalsoonida lagu qabo laga shakiyey, maadaama sida muuqata ay Al-shabaab cid ku dhex leedahay Gudaha Aqalka uu madaxweynuhu ka Taliyo ee Villa Somalia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com