Xasan Sheekh Oo Shaaciyey Inuu Axmed Madoobe Yahay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubba Land Oo Aanay Hore xukuumaddu ugu Aqoonsanayn
Kismayo:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan sheikh, ayaa shalay ku dhawaaqay in wax kabeddel lagu sameeyey Heshiiskii Dawladda dhexe hore ula gashay Maamulka Juba land xilli uu martu u ahaa Maamulkaas.
Madaxweynaha oo lahadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in maanta laga bilaabo uu Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu Qaadanayo Titelka Madaxweyno nimo uuna yahay Madaxweynaha buuxa ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wuxuuna kaloo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay marwaliba u taagan tahay in ay kaalinteeda ka qaadanayso dhismaha iyo dhabagalinta maamul goboleedyada dalka,
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wixii ka dhiman maamulka Jublanad la dhameystiri doono, isla markaana ay socdaan wada tashiyadeeda, lagana balamay wixii hada ka dambeeya la dhameystiro.
Waxyaabaha la Beddelay, ayaa waxa kamid ah in Hoggaamiyaha Maamulkaas oo ah Axmed Madobe loo aqoonsade Madaxweyne hoggaaminaya Maamul Goboleedkaas, iyadoo uu hore u ahaan Hoggaamiye isagu gacantiisa isku magacaabay oo ay dawladda is hayeen.
Ma jiro wax dhawaaq ah oo wali kasoo baxay Kooxihii ay Axmed Madoobe madaxtinimada Maamulkaas isku hayeen oo uu kamid ah ahaa Barre Hiirraale, waxase muuqata in madaxweyne Xasan sheikh haatan diyaar u yahay inuu isku dubo rido maamul goboleedyada dalka oo ah shaqo wali xukuumaddiisa ka qabyo ah.
SDN/QJ