|

Xasan Sheekh Oo Kasoo Horjeestay Xilka-qaadista Agaasimaha Nabadsugidda

Muqdisho:Sep,08,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan sheikh ayaa si weyn uga soo horjeestay Xilka-qaadistii uu ra’isal wasaare Cabdiweli sheikh axmed Shalay ku sameeyey Taliyihii Nabadsugidda Somalia oo ay saaxiib dhaw iyo ehelba ahaayeen.

ina inaeShir maalintii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada, isla-markaana uu shir gudoominaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa codka kalsoonida loogu qaaday C/laahi Maxamed Cali, iyadoona ay Goluhu kalsoonida kala noqdeen, waxase aan arrintaas garowsan madaxweynaha laftiisa oo goobta  ka maqnaa.

Warar u dhuun daloola aqalka madaxtooyada oo warbaahinta soo gaadhay, ayaa caddeeyey in madaxweynuhu ka cadhooday xilka-qaadistaan  aan lagala tashan iyo waliba nidaamka ay u dhacday oo aanu ku qancin.

Waxa ay wararku intaas ku dareen in madaxweyne Xasan uu aaminsan yahay inaan xilligan loo Baahnayn in wax isbeddel ah lagu sameeyo Hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka, maadaama lagalay xaalad adag oo la doonayo in dalka lagaga xoreeyo kooxaha Al-shabaab oo u muuqda qaar aqoodoodii la wiiqay.

Sidoo kale waxa la caddeeyey  in Madaxweynaha Somaliya uu dareensan yahay, cabsida ay Dowladdiisu ka qabto weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab, oo laga baqdin qabo inay u aargudaan Amiirkoodii Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar aan la xaqiijin karin oo sheegaaya in xil ka qaadista Sanbaloolshe, ay ka dhalatay hadalo ad adag oo ay shalay is weydaarsadeen isaga iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumada Somaliya Ridwaan Xirsi Maxamed.

Khilaafkoodan, ayaa ka dhashay markii Nabad Suggida ay xabsiga dhigtay nin Xildhibaan hore ahaa, oo hoygiisa laga helay hub iyo gaadiid, isla-markaana uu Sanbaloolshe diiday in ninkaasi la sii daayo, loona celiyo hubkii iyo gaadiidkiisii, xilli uu sidaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku.

Marka laga soo taggo dhacdadan, ayaa waxaan wanaagsanayn cilaaqaadka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, iyadoo ay xurguf ku kala dhex jirto Labada Masuul.

Taliyaha Nabad Suggida Qaranka Sanbaloolshe, ayaa waxa uu si weyn ugu dhow yahay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inay xataa ehel yihiin.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in isla habeenkii xalayba ay madaxweynaha iyo ra’isal wasaaruhu yeesheen kulan gaar ah oo ay arrintan kaga hadlayaan, waxana uu Ra’isal wasaaruhu ku qanciyey madaxweynaha inay lagama maarmaan noqotay  beddelka Agaasimaha Nabadsugiddu, arrimo la xidhiidha Dhinaca awood-qaybsiga Beelaha awgeed, balse lama hubo inuu Madaxweynuhu arrintaas aqbalay iyo in kale.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed