Xasan Sheekh Oo Dubai u Baqoolay iyo Siilaanyo Oo Kusii Jeeda
Muqdisho:Oct,30,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba baxay dhinaca Dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inuu madaxweyne Siilaanyo-na dhawaan halkaas gaadhi doono.
Madaxweyneyaasha Somalia iyo Somaliland, ayaa si wada jir ah uga qaybgeli doona shir lagaga Hadlayo arrimaha Budhcad-badeedda oo magaalada Dubai ka qabsoomi doona, kaas oo ay Dawladda Imaaraadka Carabtu soo qabanqaabisay.
Shirkaas, ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka kuwaa oo ka hadli doono arrimo la xidhiidha shufta badeeda iyo sida loo cidhib tiri karo.
Madaxweynaha dalka Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’isul wasaaraha dalka Cabdiweli Sheekh,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qaarkood.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirkaasi looga hadlayo budhcad badeeda Soomaalida iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka afduubka ah oo ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga.
Bishii September ee sanadkii tagay ayaa shir midkan la amid ah lagu qabtay isla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, waxaana looga gonleeyahay in la soo afjaro dhibaataada kooxaha budhcad badeedka.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa waxa la filayaa inay maalmaha Jimcaha ama sabtida u dhaqaaqi doono Dalka Imaaraadka Carabta, waxana la filayaa inay labada madaxweyne halkaas isku arki donaan.
Madaxweyne siilaanyo ayaan wali la hubin cidda raaci doonta, waxase la sheegay in wasiirkiisa arrimaha Gudaha, Midka Madaxtooyada iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe shirkaas ka qaybgeli doonaan.
SDN/QJ