|

Xasan Sheekh Oo Baadhitaan Caafimaad Kadib Maanta Muqdisho Kusoo Laabtay

Hargeysa:Feb,17,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo baadhitaan Caafimaad ugu maqnaa dalka Dibaddiisa, ayaa Maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

jiireMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Intii uu safarka ku joogay dalka Jarmalka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Isbitaal ku yaal dalkaas ku maray baadhitaan caafimaad, balse lama shaacin natiijadii kasoo baxday.

Madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan, isla markaana uu maray baaritaan caafimaad guud ah, isla markaana saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin baadhitaan caafimaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayay in xanuuno aan sidaa u buurneyn uu hayay, ka hor inta aanu ka ambabixin dalka, waxaana Madaxweynuhu bilihii la soo dhaafay uu galay dagaal siyaasadeed iyo buuq badan, taasoo qasab noqotay inuu safar caafimaad u baxo.

Waa markii labaad oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh safar caafimaad dibada ugu ambabaxo, sanadkii hore ayay aheyd markii uu Turkiga u tagay howlo caafimaad, iyadoo ay jireen warar suuqa la geliyay oo ahaa in xaaladiisa caafimaad ay liidato.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed