Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka Jaamacada Carabta ee Dooxa Ka Furmidoona
Dooxa March 26 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa ka soo degay caasimadda Qadar ee Dooxa, si uu uga qeyb galo shirka Jaamacadda Carabta.
Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah ee uu Madaxweyne Xassan ka qeyb galo tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madax kala duwan ee Carbeed si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin xiirirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan xagga horumarka.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sare u qaaday uuna wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Caalamka taasna waxey ka mid tahay aragtidiisa siyaasadeed ee ku wajahan arimaha dibadda.
Malik Abdalla
Director of Communication
Office of the Somali PresidentÂ
Villa Somalia, Mogadishu
mabdalla@presidency.gov.so