|

Xasan Sheekh Maxamuud: Hadii Aan Nabad Jirin Nolol Majirto

Muqdisho March 25 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amnidarada jirta ay saameyn weyn ku yeelan karto hay’adaha Dowladda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay meel aan amaan ka jirin inuusan ka jirin nolol xitaa culimada aysan masaajidka cibaadeysi utagi karin.Madaxweynaha ayaa ku sifeeyay nolosha heer waliba oo ay leedahay ay gogol u tahay ammaanka hadii aan amaan jirina aysan nolol jirin taasina macnaheeda uu yahay in la adkeeyo ammaanka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in marka hore loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ammaankooda Dowladda ay go’aan ka gaarto ammaan buuxana lasiiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn isaga oo ku sugan xafiiskiisa inay soo gaaraan dacwado kala duwan oo ku aadan isbaarooyin ciidanka Dowladda Soomaaliya u yaala Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya taasina ay tahay arin ceeb iyo sumcad daro ku ah ciidanka.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka jeediyay isaga oo kulan la qaadanaye saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan Dowladda.

Comments are closed