|

Xasan Sheekh Iyo Uhuro Kenyatta oo kulan ku yeeshay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Mombasa April 27 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka aroortii ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Magaalada Mombasa ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen arimaha xiriirka labada dal iyo sidii loosii wanaajin lahaa.

Inkastoo aan warar rasmi ah laga helin waxyaabaha sida gaarka ah ugawada hadleen labada dhinac ayaa hadana safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya wuxuu sheegay in kulanka labada masuul ay uga wadahadleen xiriirka labada dal.

Madaxweynaha safarkiisa ayaa waxaa ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo mas’uuliyiin kale.

SDN-Mombasa

Comments are closed