|

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Shaaciyey inuu u Sharraxan yahay Jagada Madaxweynaha KULMIYE, Shuruudna ku xidhay Musharrixiinta Beeshiisa DAAWO

Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu yahay Musharrax u taagan Jagada Madaxweyne-nimada Somaliland ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, haddii si dhaqso ah u kala hadhi waayaan saddexda Musharrax ee ay isku beesha yihiin.

Musharrixiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo Xisbigaas hore u shaaciyey inay iska sharrixi doonaan, isla markaana ay Beel ka soo wada-jeedaan afartan xubnood-ba, waxaanu sheegay inay habboon tahay inay isu tagaan oo tashadaan oo mid ka mid ah saddexdooda ay labada kale u haniyeeyaan inuu tartamo, taas haddii la waayana uu hayo qorhe kale oo ka sii wacan.

 

Xildhibaan Xasan Cawaale oo ka mid ah Xildhibaannada laga soo doortay Xisbigii Saaxadda Siyaasadda ka baxay ee UDUB, balse gadaal kaga biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa sheegay inuu laba shardi ku xidhayo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hore u sheegay inay KULMIYE uga dhex-tartami doonaan jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas.

 

Waxaanu Xildhibaan Caynaan sheegay haddii labadaa shuruudood ay mid ka mid ah saddexda Musharrax ee isku beesha ahi aqbali waayaan inuu isaguna yahay musharraxa afraad ee Beel ahaan ay ka soo wada jeedaan ee u tartami doona jagadaas marka la gaadho Shirweynaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo loo muddeeyey inuu qabsoomo 1o-ka bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka.

 

Hase-yeeshee, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Shuruudaha uu ku xidhayo Musharrixiintaas ee haddii ay aqbali waayaan mid ka mid ah uu isaguna isu soo taagayo Musharrax saddexdoodaba la tartamaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed