|

Xasan Daahir Aways oo wali lagu dhegsan yahay iyo Maxaabiistii la xidhnayd oo Oodda laga qaaday

 

 

awaysMugdisho: 25-july 2013 (SDN) Sida ay Ku warramayso mid ka mid ah idaacaha maxaliga ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xabsiga maalinimadii Arbacada ee 24-07-2013 laga sii daayay qaar ka mid ah maxaabiistii lala xidhay hoggaamiye Xasan Daahir Aweys oo dhawaan ka soo baxsaday Al-Shabaab.

 

Idaacadda ayaa sheegtay in sagaal ka mid ah maxaabiis la socotay Xasan Daahir markii laga keenayay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud  la sii daayay, waxaana sii daayay saraakiisha hey’adda nabad sugida dowladda.

Inta aan la sii deyn dadkan waxaa lagu soo warramayaa in su’aallo badan ay weydiiyeen saraakiisha nabad sugida Dawladda Federaaka somalia.

Ilo ku dhow dadka la soo daayay ayaa saxaafadda u sheegay in dadkan sii deyntooda lagu sharfay odayaashii ka soo kaxeeyay Xasan Daahir iyo dadkii la socday degmada Cadaado oo si aad uga ximaaday muddada dheer ee ay dadkani xidhan yihiin .

Sagaalka qof ee la sii daayay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, waxaana la sheegay in iyaga iyo Hasan Daahir ay ka soo baxsadeen degmada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, waxaa shaley markii ugu horeeyay xabsiga ku booqday Xasan Daahir qaar ka mid ah ehelkiisa, waxaana la sheegay in muddo ah ay ku sagnaayeen xarunta nabad sugida ee Habar Khadiijo oo uu hadda ku xidhan yahay Xasan Daahir.

Waxaa hadda gacanta dowladda ku jirra Xasan Daahir Aweys iyo nin lagu magacaabo Cabdi Fataax Maxamed Cali oo ah gacanyarahii  Xasan Daahir.

Cabdifataax waa madixii maaliyadda Ururkii Xisbul Islaam ee  uu madaxda ka ahaa Xasan Daahir Aweys, Waxaa magaalada Cadaado laga soo kaxeeyey oo halkaas u baxsaday 11-qof oo uu ku jirro Xasan Daahir Aweys.

Dowladda oo hore u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan arrinta Xasan Daahir ayaa waxaa jira culeysyo badan oo kaga imanaya dhinaca beesha uu ka dhashay ee H/gidir oo juhdi ugu jirta sii deynta Xasan Dahir.

Somalidiasporanews.com

Mugdisho Ofice.

 

Comments are closed