|

Xaruntii u Horaysay ee Somaliland laga furo ee laga Helo Adeega Jimicsiga Casriga ah & Xogwaran uu Gudoomiyaheedu bixiyey

Hargaysa 10. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Deegaanada Somaliland aad ugu Soo badanaya Goobaha laga helo agabka lagu Ciyaaro Jimicsada Kala Duwan Kuwaas oo Ku qalabaysan dhamaanba agabkii loo baahnaa,Isla markaana noqotay Meherado ay dhallinyarada iyo Dadka kale ee waaweyniba ay ku sameeyaan Jimicsiyada ay u baahan yihiin.

Siciid Ismaaciil Geedi Waa Gudoomiyaha Bil Khayr Gym oo ah Goobtii ugu horaysay ee Somaliland laga furo ee lagu ciyaaro jimic-siyada, Xaruntan markii la furay kadib waxaa aad u soo kordhay qaar kale oo la mid ah oo Saacad kasta lagu arko dhallinyaro ku Jimicsanaysa.

Siciid Ismaaciil Gudoomiyaha Xarunta Bil Khayr Gym ayaa Xogwaran dhinacyo badan leh oo uu siiyay Barnaamijka baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegey ee Ku dayashada mudan isla markaana uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin Wuxuu ku faahfaahiyey Sidii uu ku yimid hindisaha xaruntan uu Gudoomiyaha ka yahay.

Ugu horayn Siciid Ismaaciil Geedi wuxuu ka Jawaabay Goortii uu dhashay, halkii uu ku dhashay iyo Meelihii uu ku soo barbaaray waxaanu Yidhi ‘’ Waxaan ku dhashay Magaaladda Hargaysa Cisbitaalkeeda weyn Sannadkii 1975-kii,Inta badan waxaan ku soo barbaaray Magaaladdan hargaysa Markii danbe ee dagaaladii dhaceena waxaan qaybo noloshayda ka mid ah ku soo qaatay Magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti,waxaan Magaalada hargaysa ku dhameeyay dugsigii hoose markii danbe waxaan tegay Jabuuti halkaas oo aan dugsigii sare ku soo dhameeyay,Markaan ka baxay dugsigii Sare ayaa la yidhi Jaamacado ayaa la idiin dirayaa Waxaan ka mid ahaa arday loo diray Waddamada Yemen iyo Masar iyadoo aan soo kasbaday aqoontii aan u baahnaa Ayaan Yurub galay gaar ahaan dalka Netherland Waxaan dib dalka ugu soo noqday Sannadkii 2001-dii,waxaan bilaabay ganacsiyo yar yar hasa yeeshee 2007-dii Ayaan hindisnay inaan furno Xaruntan Jimicsiga ee Bil Khayr’’

Siciid Waxaa kale oo uu ka Hadlay Waxyaabihii ku dhaliyey inay furan Xaruntan Jimicsiga maadaama aanay dadku faham badan ka haysan ‘’ Horta waa Laba Xarumood oo aniga iyo nin kale oo dibada ku maqani aanu furnay Sababaha nagu Kalifayna waxay ahayd kadib markaan arkay dhallinyaro badan oo ku Mashquulsan balwadaha Ayaan ku fikiray Sidii aan ugu samayn lahaa Goob ay ku maara-roobaan isla markaana ay ka helaan Jimicsiyada ay u baahan yihiin,anigoo ka Shidaal qaadanaya xarumihii Giimamka (Goobaha Jimicsiga) ee aan dibada ku soo arkay,Run ahaantii xarumaha noocan oo kale ahi waxay u baahan yihiin inay helaan dhismayaal waaweyn oo qalabka oo dhan la dhigo hasa yeeshee waxay dantu nagu keliftay inaan guryo caadi ah kiraysano kaas oo dhallinyaro badani ay ku soo xidhmeen’’

Waxa uu Siciid ka hadlay Sida ay da’yartu ugu xidhan Yihiin labadan Xarumood ee Jidh dhiska Waxaanu Yidhi ‘’Iminka Tusaale ahaan Bil Khayr 1 Waxaa Ku Xidhan oo Yimaada 600 ilaa 550 Dhallinyaro iyo dad waaweyn isugu Jira (Rag iyo Dumar-ba Leh) Kuwaas oo Wakhtiyo kala duwan aanu u samaynay in kasta oo aanu haweenka siinay wakhti yar oo afar Saacadood ah balse Saacadaha ugu badan waxaa qaata Wiilasha,Dhinaca kale Xarunta labaad ee Bil khayr waxay furan tahay ilaa Sadex sanno waxa uu marayaa ilaa 300 oo arday’’

Siciid Ismaaciil waxaa kale oo uu Xusay in Qiimaha ay ka qaadaan dadka ku Xidhan labadan Xarun Jimicsi ay yihiin kuwo ay dadku awoodi karaan marka loo eego dekhliga soo gala,Isagoo intaas ku daray in Furitaankii Xarunta Bil khayr ay Sababtay in dalka laga furo xarumo badan oo adeegan bixiya, Waxaa kale oo uu intaas ku ladhay in qalabka ay ku shaqeeyaan laga keenay dalal Yurubta ka tirsan.

Siciid waxaa kale oo uu Sheegay in Kharashka ay ka qaadaan dadka ku xidhan xarumahoodan jimicsi uu yahay Mid ka Mid ahi 16 dollar bishii, halka Maalintiina uu ku sheegay hal dollar iyo badh,Waxaa kale oo uu xusay in Xarunta labaad ay bishii ka qaadaan lacag dhan 25 dollar halka ay Maalintii qofka ciyaara ay ka qaadaan 2 dollar.

Siciid Ismaaciil Geedi Gudoomiyaha Bil Khayr Gym Waxaa Kale oo Xogwarankan oo aad u dheeraa uu ku faahfaahiyey Himilooyinka u qorshaysan inay gaadhaan Mustaqbalka dhow iyo Ka Fog labadaba.

Comments are closed