Xaruntii loo qorsheeyay in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Somalia oo Goob Kale Loo Wareejiyey & Damaca Is Hirdinaya ee Murashixiinta
Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Musharaxiin badan oo u taagan Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ay soo jeediyeen in xarunta Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Iskool Buluusiya laga wareejiyo in lagu qabto Doorashada Madaxweynaha.
Musharaxiintan ayaa codsi u diray Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada Madaxweynaha, waxa ayna ka codsadeen in xarunta Iskool Buluusiya laga wareejiyo doorashada laguna qabto goob kale oo lagu kalsoonaan karo.
Xubnaha Musharaxiinta ayaan kalsoloni badan ku qabin xarunta Iskool Buluusiya, waxa ayna tilmaameen in Taliyaha booliiska iyo Taliyaasha kale ee Ciidanka aysan dhax dhaxaad ka aheyn Doorashada ayna u ololeenayaan Musharax gaar ah.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, ayaa VOA u sheegey in doorashada ay ka dhici doonto xarrunta Afisyooni ee Muqdisho.
Beyle, ayaa sheegey ay 18 ka mid ah musharrixiinta madaxtinnimada aya dalbadeen in goobta laga baddalo doorashada halka lagu qabanaayo.
Idaacadda VOA ay xaqiijisay in qaar ka mid ah musharrixiinta ay jeediyeen walaac ku aaddan in doorashada lagu qabto akadamiyada booliiska. Walaaca ayaa la sheegay inuu la xiriiray dhinaca amniga iyo musuqmaasuqaa.
Saraakiil ka agdhow guddoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa VOA u sheegay in fikradaha lasoo jeediyey ay u badan tahay in lagu qaban doono xerada ciidamada cirka Afisyoone ee garoonka diyaaradaha.
Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa khudbad uu dhawaan ka jeedinayay Munaasabad ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya waxa uu qarsan waayay taageerada uu u hayo Mid kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha, waxa uuna Xildhibaanada qaar ka codsaday in ay doortaan Musharaxa uu isagu taageersan yahay.