|

Xaruntii Guud Ee Xisbiga Waddani Ku Lahaa Magaalada Hargeysa Oo Ciidamo Boolis Ahi La Wareegeeen Iyo Huteello La Qabsaday

Hargeysa:Jully,23,2015(SDN/QJ)-Ciidamda Booliska, ayaa Saaka Sallaaddii Hore la wareegay Xarunta Guud ee Xisbiga Waddani ku leeyahay Magaalada Hargeysa, iyagoo Sidoo dhammaan Waddooyinka Soo Galo oo dhan wada xidhay.

cidorSida Saraakiisha Xisbigaasi u caddeeyeen Qurbejoog.com, waxa ay ciidanku celinayaan cidkasta oo isku dayda inay Xarunta usoo dhawaato, iyagoo u sheegaya inay ka noqdaan Goobtaas.

Madaxda Xisbiga, ayaa sidoo kale loo diiday inay Xaruntaas yimaaddaan, waxana maanta loo ballansanaa Shirkii Talo qaran ee Xisbiyada mucaaridku ku baaqeen.

Wararka kaleĀ  ee Saaka nasoo gaadhaya, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku si buuxda ula wareegeen Hutel Dalxiis oo Dacalka Koonfureed ku Haya Biriijka weyn ee Magaalada Hargeysa, iyadoo lagu eedaynayo inuu Mucaaridka u oggolaaday inay Fadhiistaan.

Waxa kale oo saaka Xidhan waddada Madaxtooyada kasoo gasha dhinaca Galbeed, iyadoo halkaas la dhoobay ciidamo tiro badan oo aaan hore loo arki jirin.
Ilaa hada ma cadda sababta keentay in xaruntii Xisbiga ay la wareegaan ciidan boolis ahi, waxanay tani qayb ka tahay cabudhinta, cago juglaynta ay Xukuumada Siilaanyo ku waddo xisbiyada qaranka ee ka mudan inuu maamuus iyo dhawrista shuruucda waddanka u yaala ku ilaaliyo.

Cudduda Mucaaridka, ayaa la filayaa inay goor dhaw arrintan ka Hadlaan, waana markii ugu horraysay ee Xukuumaddu wakhtigeedu gabaabsiga yahay qaaddo tallaabooyin cabudhineed oo laxaad leh.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed