|

Xaruntii Baarlamanka Burkina Faso oo dab la qabadsiiyay Iyagoo ka Gadoodsan Mudo Kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dalkaasi

Burkina Faso 30.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wararka ka imana dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo meel u dhow madaxtooyada dalkaasi, ka dib markii goobtaas ay ka dhaceen mudaharaado kala duwani, waxaana dadka isu-soobaxa samaynayaa ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamaanka.

7014B7DA-F833-43C0-AB68-F70F9F719C13_w268_r1Xiisadahan ka curtay dalka Burkina Faso ayaa yimi ka dib markii golaha sharci-dejintu uu soo jeediyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo dastuurka dalkaas, waxaana isbedelka cusub ee dastuurku uu fursad u siinayaa madaxweynaha dalkaas hoggaamiya inuu sii korodhsado muddo xileedka uu joogayo xafiiska.

Weriye u soo waramay VOA ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay isticmaaleen suntan dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo xoog badan si ay banaanbaxayasha uga saaraan dhismaha baarlamaanka, laakiin dadka mudaharaadayey ayaa soo jabsaday xayn-daabkii loo sameeyey isla markaana buuxdhaafiyey dhismaha baarlamaanka.

weriyaha ayaa sidoo kale sheegaya in xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyadu ay rasaas u rideen hawada si ay u joojiyaan dadka mudaharaadka samaynaya kuwaas oo u jihaystay xagga madaxtooyada, waxaana taasi dhalisay in mid ka mida banaanbaxayaasha madaxa laga toogto.

Burkina Faso SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed