Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland oo Sheegtay Tacadiyo inay Shacabka u gaystaan Booliska
Hargaysa 25. January 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Mudane Guulleed Axmed Jaamac ayaa sheegay inay hayaan cabasho badan oo ka timid shacabka Soomaaliland taas oo ay keentay Tacadiyo ay gaysteen ciidamada Booliska ee maamulkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay tacadiyadaasi inay qayb ka yihiin kuwo Bulshadu ay kala kulmayaan ciidamada wuxuuna sheegay inay madaxwaynaha Soomaliland kala hadlayaan arimahaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Guulled ayaa soo hadal qaaday inaysan jirin cid ay boolisku ka amar qaataan oo xisaabin karta dhacdooyinka ay samaynayaan.
Ugu danbayn gudoomiyaha Xuquuqul insaanka ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu helayo warqado ay dadku ku qorayaan Codayn guud oo qof walba wuxuu ka cabanayo uu ugu gudbinayo Madaxwaynaha Soomaaliland.