|

Xarunta Madaxtooyadda oo Maanta Lagu Qabtay Xaflado Xilwareejimo Iyo Khudbado dhinacyo badan Leh oo laga soo Jeediyay DAAWO

Hargaysa 04.Nov 2015 (SDN/QJ)- Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka qabsoontay xarunta Qasriga Madaxtooyada JSL oo ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi , Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul iyo afhayeenka Cusub Xuseen Aadan Cige (Dayr).

MadaxUgu horaynba waxaa halkaasi ka hadlay, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo ka warbixiyey baaxada iyo culayska ay leedahay wasaarada madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee maanta la kala wareegaya Xilalka.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq iyo soo dhawaynta masuuliyiinta cusub ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan oo la shaqeeyaan wasiirka cusub wasiirkii horena ay Alle uga baryayaan inuu Alle himiladiisa gaadhsiiyo.

Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada bari imikana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) isaga oo ka war bixiyey wixii u qabsoomay intii uu xilkaasi hayey, kuna wareejiyey Wasiiru-dawlaha cusub ee xilka la wareegay Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab).

Xafladan oo ahayd mid balaadhan waxaa iyana halkaasi xilalkii kula kala wareegay afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul iyo afhayeenka cusub Mudane Xuseen Deyr, hadalana ka jeediyey munaasibada.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana sheegay inuu maanta wareejinaayo wasaarad isu dheeli tiran oo uu wasiirka cusubi nasiib u yeeshay “aniguna aan odhan karo wuu igaga nasiib wacan yahay maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda madaxtooyad la yidhaahdaa oo aan la wareegay balse maanta waxa aan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin arrimaheedii wasaaradnimo” Sidaas ayuu yidhi wasiirkii hore ee madaxtooyadu.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mahad iyo amaan balaadhan u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mudo lix sano ku dhaw ay soo wada shaqaynayeen kuna tilmaamay inuu yahay hogaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan. Hadana ay ku kala tageen wanaag iyo isu laab xaadhnaan marnaba aanu jecelayn cid wax ka sheegta madaxweynaha qaranka.

Ka dib Xil wareejinta waxa hadalka qaatay Wasiirka Cusub ee madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku dheeraaday hadalka ayaa u mahadnaqay wasiirkii hore ee madaxtooyada oo uu sheegay wasiirku in ay ahaayeen saaxiibo qotodheer in badana uu kala soo shaqeeyey hawlaha wasaaradda madaxtooyada isna uu ka rajaynaayo inuu sidii iyo si ka sii fiicanba ula shaqayndoono.

 

Khudbad Dhamaystiran oo uu jeediyey wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi

Khudbada Wasiirka Cusub ee Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi uu ka jeediyey Xilwareejinta W/Madaxtooyada

Wasiirul Dawlihii hore ee Arrimaha Bariga imikana ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Xasan Maxamed “Cali Sandule”

Wasiir Cukuse oo sheegay inuu Taageersan tahay Wasiiradii Iscasilay balse uu la shaqayndoono Mweynaha Qaranka Somaliland

Hadalkii Wasiirudawlaha Madaxtooyada JSL MD Maxamed Muuse Abees

Afhayeenka Cusub Xuseen Deyr iyo Khudbadii Madashada xilwareejinta

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada JSL Axmed Saleebaan Dhuxul

Comments are closed